Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka jubba.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xirey wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee magaalada Kismaayo ayaa dib u dhac uu ku yimid kadib markii uu geeriyooday Jimcihii  la soo dhaafay Wasiirka Dastuurka Dowlada Federalka Soomaaliya.