Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa ka qeybgashay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah labadii masjid ee dadka lagu laayay toddobaadkii la soo dhaafay.

Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo.

Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee maanta ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay.

Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo salaaddii jimcada ee maanta tujiyay dadka ayaa yidhi: “Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin”.

Muslimiin gaareys 50 ruux  ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan 2 masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaas ku guda jireen salaaddii jimcada, halka tobannaan qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Brenton Tarrant oo u dhashay dalka Australia ayaa loo haystaa inuu falkaas geystay,iyadoo bisha soo socota markale maxkamad la horkeenayo.

Maalintii khamiista ahayd ayey ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern amar ku bixisay in waddankeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka u sameysan noocii uu ninkaas u isticmaalay weerarka.