Ra’iisul Wasaaraha oo Isbitaalka ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Isbitaalka Digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku dhaawacmay qarax miino gaarigiisa loogu xiray.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu yahay mid culus oo xooggiisa uu ka soo gaaray qeybaha dambe ee jirkiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre  ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku heysa xaalada dhaawaca Xildhibaan Boorow, waxaana uu sheegay in dowladda ay la socon doonto xaaladiisa.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso, welina ay la tacaalayaan dhaawiciisa.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Boorow uu gacantiisa bidix ku waayay qaraxa loogu xiray gaarigiisa.

Darawalka Gaariga waday ayaa ku geeriyooday qaraxa oo ahaa kii u horeeyay noociisa ee lagu xiro gaadiidka loo yaqaano Hillux oo Soomaalida u taqaano Qooqan dul banaanka ay ilaalada saaran yihiin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa uu ku dhaawacmay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed.