Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalka Mareykanka oo uu booqasho ku joogo.

Dhinaca kale,Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee qaranka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo Tubaha Qaranka ee lagu jaan-gooyay wax-qabadka dawladda.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa qayb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu Washington kula yeelanayay mas’uuliyiin ka socdo dawlado iyo hay’ado caalami ah.