Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo lagu diley gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Sidoo kale waxaa geerida Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed waxayna eebe uga baryeen inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan eebe ka siiyo.