Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga adduunka iyo dowlada Maraykanka.
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan uu la qaatay guddoomiye ku xigeenka Bangiga adduunka Hafez Ghanim waxa uu ku tilmaamay kulan miro dhal ah.

“Waxaan kulan miro dhal leh kula qaatay Washington, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanim oo aan ka wada hadalnay habsami u socodka barnaamijka deyn cafinta dalkeena iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee hay’adaheedda dowliga ah.”ayuu ku soo qoray ra’iisul wasaare Kheyre bartiisa Twitterka.

Dowlada Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabto in laga cafiyo deymaha Bangiga adduunka uu ku leeyahay dalka Soomaaliya maadaama dib u habeyn lagu sameeyey dhaqaalaha dalka.