Ra’iisul Wasaare  Kheyre oo la kulmay Amiir Maxamed Bin Salman

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulamada uu la yeeshay madaxda Boqortooyada Sacudi Carabiya kadib  ku cumraystay Magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay la socdeen mas’uulyiin sare oo ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo cumraystay, waxa uuna intii uu ku sugnaa Xaramka uu ra’iisul wasaaruhu u duceeyay ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa laba maalmood ka hor u ambabaxay Dalka Sacuudi Carabiya, markii uu marti qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Walaalaha ah.