Wafdi ay hogaaminaysay wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Midowga Yurub Marwo Federika Mogherini ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubno kale,iyada oo intaasi kadib loo soo gelbiyey dhinaca Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Federika Mogherini  ayaa waxa ay kulan muqdisho kula yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre,iyaga oo kulankooda uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

“Waxa aan Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini,Waxa aan ka wadahadalnay horumarka aan ka sameynay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019 ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.