Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow si degdeg ah u magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta, kaasoo saacado ka hor uu iska casilay Daahir Maxamuud Geelle.

Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga.

Sidoo kale xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Eng. C/llaahi Cali Xasan, oo ay isku heyb yihiin Wasiirkii is casilay ee Daahir Geelle.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii isu soo taagtay Doorashada xilka Madaxweynaha 2017, inkastoo uu markii dambe ka tanaasulay.