Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in 24kii saac ee la soo dhaafay 3 ruux siyaabo kala duwan loogu diley deegaanka Mukay-Dheere iyo Ceel-Macaan ee gobolka Sh/dhexe.

Mid kamid ah ciidamada ammaanka ayaa ku diley deegaanka Ceel-Macaan haweeney ganacsato ahayd oo magaceeda lagu sheegay Naciimo Axmed.

Dilka Naciimo ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay askariga dilay ka dalbatay inuu siiyo lacago ay ku lahayd balse askarigii uu ugu jawaab inuu rasaas ku furo.
Askariga dilka geysey ayaa la sheegay inuu baxsaday kadib markii uu dilka geystey.

Dhinaca kale, deegaanka Mukay-Dheere oo ka tirsan degmada Balcad ayaa labo ruux oo dhalinyaro ah lagu diley iyadoo dilalkaasna ay la xiriiraan falal aano qabiil ah.
Waxgaradka iyo maamulka degmada Balcad ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan inay ku qaboojiyaan xiisada ka dhalatay dilka labada dhalinyarada ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle oo la xiriira dilalka ka dhacay deegaanada Mukay-Dheere iyo Ceel-Macaan.