Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Kenya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalin ka hor gaaray magaalada Nairobi ayaa dhowaan loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Kenya.

Mr Tarsan ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada Nairobi kaga guddoomay Uhuru Kenyatta.

Tarsan ayaa horay u ahaa La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii isu sharaxday xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii 8 February.

Sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, xilligii ugu adkaa oo magaalada Muqdisho qeybo badan gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Magacaabida Tarsan ee Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa meesha ka saari doonta muddo sanad iyo bilooyin oo ay Safaaradda Soomaaliya aheyd Safiir la’aan.