Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta dambi barista CID ayaa ka badbaaday waxyaalaha qarxa oo loogu xirey gaarigiisa, hase yeeshee waxaa ka soo gaaray dhaawac.Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Xarbi Dhagay ayaa gaariga uu watay waxa uu ku qarxay afaafka hore ee Xarunta CID ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhaawac uu ka soo gaaray sarkaalka lug iyo gacan haatana lagu daweynayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho,sidoo kale qof la socday sarkaalka ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxa.