Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, halkaasoo uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu xiray.

Sida ay sheegayaan wararka gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaano Runeyd ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu aad u xoogganaa, isla markaana uu dhacay, xilli gaariga uu wadada dhinaceeda yaallay.

Ciidamada ayaa xiray halka qaraxa ka dhacay oo uu gaariga yaallay, waxaa socda baaritaano la xiriira qaabka ay u suura gashay in gaari uu Sarkaal ciidan leeyahay in qarax lagu xiro.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ku jirtay xaalad amni, iyadoo la xiray waddooyin badan, isla markaana howlgallo ka socdaan.