Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo beeniyay in ilaaladiisa ay dileen gabar arday ah

Jen. Sheegow Axmed Cali oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa beeniyay in Ilaaladiisa ay dileen gabar arday ah oo ku geeriyootay is rasaaseyn shalay ka dhacday agagaarka Isbitaalkii Digfeer ee degmada Hodan.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ilaaladiisa aysan wax rasaas ah ridin, isla markaana ciidan kale oo gaari saarnaa ay rasaaseeyeen.

“Aniga Ilaaladeyda wax rasaas ah ma ridin, ciidan kale oo gaari saarnaa ayaa rasaasta riday, waxaa hayaa caddeymo”ayuu yiri Jen. Sheegow oo la hadlayay Idaacada Kulmiye.

Waxaa uu sheegay in booliska ay cadeeyeen, markii su’aalo weydiiyeen, isla markaana gaariga rasaasta furay la haayo taargadiisa.

Gabar Arday 9-sano jir aheyd oo lagu magacaabayay Deeqo Daahir ayaa ku geeriyootay rasaas ay is dhaafsanayeen labo ciidan, waxaana gabadha iyo arday kale ay saarnaayeen gaari bas ah uu lahaa mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla Muqdisho.