Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa saaka Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne waxaay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad ayaa waxaa la toogtay, xilli uu ka soo baxay gurigiisa, isagoo kus ii jeeday fariisin Ciidamada dowladda oo uu ka howlgalayay.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga ayaa saaka howlgal saf ballaaran ka wada xaafada Howlwadaag, iyadoo dilka saaka ka dhacay uu ku soo aaday, howlgalo shalay xaafadaas laga sameeyay.

Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dhowr weerar oo ay geysteen Rag bastoolado ku hubeysan, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in Xaafadaasi ay tahay halka ugu badan ee ka dhacaan falalka amni darro ee xarunta gobolka Hiiraan.