Sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo lagu dilay Gobolka Gedo

Wararkaka imaanaya degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay ku dileen degmadaas Sarkaal ka tirsan Nabadsugida Jubbaland.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/qani Axmed Faarax, waxaana la dilay isaga oo ku sii jeeday gurigiisa.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay inay horay u sii qaateen qori AK47 oo uu Sarkaalka watay.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa howlgalo ka wada degmada Beledxaawo iyo tuulooyinka ku dhow dhow, iyagoo ku raad-jooga kooxihii dilka ka dambeeyay.

Xaalada degmada Beledxaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay laga deyriyay, kaddib dilal ka dhacay degmadaas iyo Al-Shabaab oo degmadaas soo saaray culeys.