Saud al-Qahtani shaqsigii amarkii lagu diley Khashoggi ka bixiyay aalada Skype

Saud al-Qahtani waxa uu madax ka ahaa qeybta baraha bulshada amiirka Sacudiga kahor intaan xilkaa laga qaadin sabtidii aynu ka soo gudubnay,waxa uu ka dambeeyay xarigga boqolaal ruux oo mucaarad ku ah boqortoyada sacudi Carabiya,waxa uu xirey ra’iisul wasaarihii lubnaan, waxana uu ahaa qofkii ka maamulayay oo bixiyay amarkii lagu dilay laguna jarjaray isagoo isticmaalaya aalada Skype saxafiga Jamal Khashoggi.

al-Qahtani ayaa  ka mid ah afar sarkaal oo ka tirsan Boqortooyada Sacudi Carabiya kuwaasoo dusha loo  saarayo amarkii ay 15ka mid ah sirdoonka  Sacudiga ku dileen Jamal Khashoggi oo ahaa saxafi wax ku qori jirey wargeyka Washington Post  2dii  bishan  Oktoobar isagoo lagu dhex diley qunsuliyada Sacudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Hase yeeshee ku eedeynta al-Qahtani  dilka Jamal ee al-Qahtani ayaa adkaanaysa waayo waxa uu hore dhowr jeer u sheegay inuu fuliyo oo kaliya amarka Dhaxalsugaha Amir Maxamed iyo Boqor Salmaan.

“Ma waxaad u malaynaysaa in aan sameeyo go’aano anigoon helin amar?waxaan ahay shaqaale u daacad ah amarada ay siiyaan amiirka iyo boqorka.”ayuu ku qoray bartiisa Twitterka sanadkii hore.

Sarkaal ka tirsan Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters  in Qahtani la xirey  kadib markii xilka loogaga qaaday wareegto soo baxday,hase yeeshee ilo ku dhow dhow Maxkamada Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegay in aan la xirin.

Dilkii Khashoggi ayuu Qahtani ka soo muuqday mobayl uu watay mid kamid ah kooxda fulisay dilka Khashoggi waxana uu ka aflagaadeeyay Khashoggi oo  la tusayay balse Khashoggi ayaa la sheegay in uu ugu jawaabay hadalo kulkulul.

Sida ay sheegayaan sirdoonka Turkiga Qahtani ayaa  raggii dilka fulinayay ku yiri “jarjara oo ii keena  eeygaax madaxiisa.”

Muuqaalka uu Qahtani amarka ku bixinayay ayaa la sheegay in uu hayo Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan waxaana wararku ay sheegayaan in uu u diiday in uu tuso saraakiil Maraykan ah,

Hase yeeshee Erdogan ayaa  sheegay Axadii inuu soo  bandhigi doono natiijooyinkii ka soo baxay  baaritaankii ay sameeyeen sirdoonka Turkiga maalinta  Talaadada ah.

Saud  al-Qahtani waa 40 sano jir  bartay cilmiga sharciga waxana uu ka gaaray darajada kabtan ciidamada cirka ee Boqortooyada Sacudi Carabiya balse waxa uu xilal kala duwan ka soo  qabtay dalkiisa.

Xigasho;Reuters, Waxaa tarjumay Maxamed Caseyr