Ciidamasa NISA ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku soo qabteen Miinooyin fara badan iyo waxyaabaha qarxa.

Taliye kuxigeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Amniga ayaa sheegtay in howlgalkan lagu soo qabtay 12 Miinooyinka kuwa dhulka la geliyo iyo 20 KG maadada qaraxa.

Waxaa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay ka war heleen keyd qaraxyo ah oo ay lahaayeen Argagixisada, kuna doonayeen inay Shacabka ku dhibaateeyaan.

Sawirro la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu soo bandhigay, waxaana nuuca qaraxyada isugu jireen miinooyin iyo maadada qaraxa oo ku jiray Caag.