Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 14-ka October, ayaa howlgallo ka sameeyay qeybo kamid ah degmooyinka iyo deegaanada gobolka Sh/Hoose oo ay muddo ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa howlgalka ka sameeyay wadooyin aan la marin mudo Toddobo sana ah sababo ku aadan cabsi laga qabay Kooxda Al-Shabaab, iyadoo meelaha la tagay laga soo saaray miinooyin culus oo Shabaab ay dhigeen wadooyinka dhinocooda, halka qaar kalena ay galiyaan bartamaha wadooyinka.

Meelaha baarista laga sameeyay waxaa kamid ah Magaalada Marko, Number 50, Laanta Buure iyo Muuri oo dhamaantood ah meelo ay adkeyd in la maro oo Shabaab ay dhexda ugu gali jireen dadka iyo gaadiidka.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan) oo howlgalladan hoggaaminayay, ayaa sheegay iney guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Sh.Hoose, wuxuuna sheegay iney hada isu furan tahay wadooyin 90KM ku fadhiya oo u dhexeysa Muqdisho iyo Marko.

Saraakiisha Xoogga dalka ma sheegin iney jiraan wax Shabaab ah oo ay ku soo qabteen intii ay holwgalada ku guda jireen ama ay jireen arbushaad ay kala kulmeen xoogga Shabaab ee goobahaasi hore ugu sugnaan jiray.