Ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay xaafada Suuqa Xoolaha qeybta xigta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgal guri guri ah ka sameeyay qeybo ka mid ah Yaaqshid, iyagoo soo qabtay kontomeeyo dhalinyaro ah, kuwaasoo lala xiriiray kooxaha falalka amni daro ka geysta degmooyinka gobolka Banaadir.

Baaritaano dheeraad ah kadib, Ciidamada waxa ay hore u kexeysteen dhowr dhalinyaro ah oo la shegeay inay ahaayeen kuwa la soo farmuuqay oo howlgalka si gaar ah iyaga loogu bartilmaameedsanayay, waxaana lagu xiray Saldhiga booliska degmada Yaaqshid.

Dhinaca kalena Ciidamada ammaanka ayaa saaka sii adkeeyay xirnaanshaha qeybo ka mid ah wadada dheer ee Maka Al-Mukarama, iyagoo ku jartay gawaaridooda Ciidanka iyo biro.

Ciidamadan oo Milatari ah ayaa gawaarida u diidaya iney maraan inta u dhexeyso Isgoyska Taleex ee degmada Hodan ilaa Ex-Control Afgooye, iyagoo dib u celinaya gawaarida BL-ka ah ee dadweynaha qaada iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Lama oga sababta ka dambeysa sii adkeynta wadadan oo markeedii horeba eheyd mid gawaarida ay ku kala wareegayaan laba Kontorool oo laga kala sameeyay Ex-Control iyo nawaaxiga daarta dheer ee Sey Piano, waxaana suura gal ah inay Kormeer sameeyaan mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.