Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa ubax dhigay Taalada SYL, halkaasoo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka, iyadoo loo dabaal degayo 76 guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ururkii Dhalinyarada ee Halganka Gobonimo doonka ahaa.

Munaasabaddan oo markii u horeysay xilli habeen ah la qabtay, maadaama maanta ay aheyd maalin la soonaa oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa Madaxweynuhu ugu horeyn ubax dhigay Taalada SYL oo ku dhow Madaxtooyada, waxaana markii dambe uu ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo qaban qaabisay munaasabada maalinta dhalinyarada ee xuska 15 May, iyadoo khudbad ay uga hadashay marxaladihii uu soo maray diyaar garowga xuska iyo kaalintii dhalinyarada ay ka qaateen halgankii xornimo.