Taliska ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed ayaa maanta billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah ku soo dhammaaday.

Ra’iisu Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa Xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha CXDS ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda.