Sawirro: Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo caawa booqday Guddoomiye Mursal, kaddib 24-saacadood….

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa caawa jebiyay xayiraadii saarneyd Hoyga Guddoomiye Maxamed Mursal oo maanta loo diiday inay galaan Xildhibaanada.

Labaatameeyo Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Madaxweynaha ayaa caawa u tagay Guddoomiye Mursal, kaddib markii ay sheegeen inay muddo 24-saacadood uu Guddoomiyaha ku xayirnaa hoygiisa, loona diiday in loo galo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay inay u suura gashay inay Madaxtooyada ay galaan, iyagoo ka booday biro lagu xiray guriga sida uu hadalka u dhigay.

“In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ah shaqsiga labaad ee dalka ugu sareeya in la go’doomiyo

“Waxaa ii muuqda ififaalo muujinaya in dalkaani god mugdi ah lagu ridayo. Dhamaan sharciyadii yaraa ee dalkaan la iskula hayayna laga tilaabsaday, Laakiin waxaan cod dheer ku leenahay yeeli mayno mana yeeli doono caburin iyo cago juglayn. Soomaaliyana in xoog lagu maamulo ma suurogeli doonto”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaano dhowr ah ayaa saakay sheegay in loo diiday inay u tagaan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo degan gudaha Madaxtooyada, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay caddeeyeen in Guddoomiyuhu xabsi ku yahay halka uu degan yahay oo loo diiday in loo galo.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa sii cakirmeysa, tan iyo wixii ka dambeeyay markii shalay Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana muuqata in mooshinkaas uu kala jebiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada oo haatan labo garab u qeybsan.