Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku dhiibeen Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Doolow.

Labada ruux oo ah dhalinyaro ayaa ka tirsanaa qeybta loo yaqaano Jabhadaha ee guur guura, waxaana la soo bandhigay iyagoo watay labo qori oo AK47 oo ay kala soo goosteen Al-Shabaab.

Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud.

Sawirro laga soo qaaday oo la soo geliyay barta Facebook ayaa wajiyadooda laga dareemayay diif iyo inay da’ yar yihiin, lama sheegin da’dooda,

Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ee qeybta Gedo ayaa si wanaagsan u soo dhoweeyay raggan, waxaana la sheegay in loo sameyn doono dhaqan celin.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa Gobolka Gedo iyo Gobolka Hiiraan iska dhiibay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jiray saraakiil iyo rag dhalinyaro dagaalamayaal ah.