Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya qaabka ay u maareyneyso dhamaystirka dastuurka dalka.

Faroole oo hore u soo noqday Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowlada federalka oo u harsan labo sano oo kaliya aysan muuqan inay dhamaystireyso dastuurka qabyada ah.

“Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah madxweynaheeda iyo baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole oo jooga Garowe.

Senatorka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federalka aysan dhab ka ahayn ku dhaqanka habka federaalka ee hore Soomaalidu isugu raacday.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay farogelin ku hayso Maamul goboleedyada dalka isagoo tusaale u soo qaatay Maamul Goboleedka Koofurgalbeed iyo Jubbaland.

Warkan ka soo yeeray Senator Faroole ayaa ku soo beegmaya xilli dowlada federalka Soomaaliya ay eedeymo xoog leh ugaga imanayaan qaar ka mid ah xisbiyada dalka,xildhibaano ka tirsan labada gole iyo weliba siyaasiyiin kale.