Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleed dhex maray labo beel oo walaalo ah oo ku nool deegaan hoos taga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Waxaa uu sheegay in aan xilligan loo baahneyn in lagu dagaalamo arrimo xalkeeda lagu dhameyn karo miiska wada hdalka, isagoo tilmaamay in mas’uuliyada dagaalka Burdheere ay dusha saaranayaan Odayaasha dhaqanka.

“kuwa dhintay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacana Alle ha caafiyo, waxaan aaminsanahay in dadkaas hal qoys ay ka wada dhinteen, mas’uuliyada waxaa naga saaran in dadkaasi la badbaadiyo oo laga shaqeeyo sidii arrimahooda wax looga qaban lahaa” ayuu yiri Senator Maxamed Amiin oo la hadlay Warbaahinta Kalfadhi.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo ay u dheg raariciyaan baaqyada is daba jooga ah ee loo jeedinayo, si xabad joojin buuxda loo gaaro.

Xaalada deegaanadii shalay lagu diriray ee gobolka Sh/Dhexe ayaa maanta degan, waxaana xiisada ku baxay xubno ka tirsan Maamulka Hirshabelle, kuwaasoo ku guuleystay in xabada la joojiyo.

HALKAN GASHO