Shaqsi ka mid ahaa mucaaradka Itoobiya oo loo magacaabay guddoomiyaha guddiga doorashada

Haweeney hore garsoore u ahayd kana mid ahayd mucaaradka ayaa loo dhaariyay inay hogaamiso guddiga doorashada dalka Itoobiya.

Birtukan Mideksa ayaa noqonaysa haweeneydii ugu dambeeyay oo jago muhiim ah ka qabato dalka Itoobiya.

Ms Birtukan ayaa dib ugu soo laabatay dalka Itoobiya horaantii bishan kadib markii toddobo sano ay musaafuris iskeed ah ugu nooleyd dalka Maraykanka.

Haweeneydan ayaa ka mid ahayd tobanaan ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka oo loo xirey khilaaf ka dhashay doorashadii ka dhacday dalka Itoobiya sanadkii 2005 taasoo sababtay in boqolaal ruux ay ku dhintaan.

Garsoorahan hore ayaase hadda dusha kala socon doonta doorasha guud ee dalka Itoobiya ka dhici doonta bisha May ee 2020.

Caqabadda ugu wayn ee ay wajahayso waa in ay hagaajiso sumcadda guddiga doorashada oo si joogto ah loogu eedeeyo in dawladdu ay farogaliso guddiga.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa isbadallo ballaaran ku sameeyay siyaasada dalka Itoobiya waxana uu kala bar ka dhigey golahiisa wasiirada dumar halka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Itoobiyana ay yihiin dumar.