Shariif Xasan oo ashtako ka dhan ah dowladda Federaalka u gudbiyay Wakiilka Qaramada Midoobey

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Socdaalka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka mid ah safaro uu ku tagayo xarumaha maamul goboleedyada, si uu u dhageysto cabashada madaxda dowlad goboleedyada, isla markaana loo xaliyo khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo uu wehliyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa la kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay arrimaha xalinta  khilaafka dowlad goboleedyada, dowladda Federaalka iyo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo 18 maalmood ay ka harsan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu u gudbiyay Wakiilka Qaramada Midoobey ashtako ku saabsan faragelin dowladda Federaalka ku heyso doorashada iyo taageero ay siineyso Musharaxiinta, kaddib markii maalmo ka hor ay ka dageen magaalada Baydhabo diyaarado sida baabuur aan xabadaha karin iyo ciidamo.

Nicholas Haysom iyo Amb. Francisco Madiera ayaa wada dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka, waxaana ay sidoo kale booqan doonaan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.