Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 55aad

Hooyo Batuulo waa beer wax dhalay maalintii xigtay markii ay weysay Falis oo ay fileysay in cunto guriga u soo doonan doonto ayay galab gaabadkii aaday waxayna ugu tagtay iyada oo dhar ay maanta dhaqatay armaajada ku hagaajineyso waxaan dhexmartay hadaladaan.

 

Hooyo Batuulo:

Falisey waran Maama xaalkaaga ka waran

 

Falis:

Maasha allah hooyo Batuulo hore u soo gal waan kuu fiican nahay maalmahaan ma idiin imaan ka waran reerka.

 

Hooyo Batuulo:

Maaasha allah Kulli waa la fiican yahay waan idiin sugaayey maanta maxaa idiin helay

 

Falis:

Kuma fahmin Hooyo maxaa la sugaayey

 

Hooyo Batuulo:

Waxaan filayaa gabadheydiyee in waxa dhacayo aadan waxba kala socon

 

Falis:

Maxaa dhacay Hooyo

 

Hooyo Batuulo:

Ninkii Yaasiin ahaa carwadii inuu lumiyey waliba lacagna lagu leeyahay

 

Falis waa ay taagneyd inta ay sariirta ku fadhiisatay ayay tiri

 

Falis:

Waan filaayey beryahaan adduun kale ayaa uu galay iyada oo aan isku heysano inuu xilli dambe uu yimaado ayuu hadana ku darsaday inuu soo dhaxo alla Yaasiinow maxaad dib u soo xumaaday.

 

Hooyo Batuulo:

Qoom xun ayaa uu bartay oo gebiga ka riday wiilkii

 

Falis:

Ma aqaan waxaan dhaho hooyo

 

Hooyo Batuulo:

Saaka ma isagaa biil ku siiyey

 

Falis:

Raashiin guriga waa inuu yaal biilka ilaa sodonka bisha dukaanka ayaan dhigtay.

 

Hooyo Batuulo:

Illaahay ha ku dhowro gabadheyda waad aragtaa sida uu xaalka noqday balse anaga marnaba idinma dayaceyno ijaarka nalka iyo biyaha waa la bixinayaa raashhinka xaga ayaa la idinka keenaa inshah allah ilaa xal kale laga gaarayo kolay hadda culeyska jira ayaa ah in lacagta deynta ee uu na geliyey la bixiyo.

 

Falis:

Waan dareemayaa Maama waxna ha iga cudur daarin Yaasiin waa la sharfay balse isaga ayaa karaamada iska qaaday insha allah sida uu illaah ka dhigo ayay ahaan doontaa.

 

Sidii ayayna ku baxday Hooyo Batuulo waxayse murug kaga tagtay Falis oo arrinta loo sheegay aad ugu naxday waxaana la xumeyd in ninka iyada masuuliyadeeda saaran inuu qeyrul Masuul noqdo iyada oo og wixii aya kala mareen reerkeeda oo ay isga dartii kaga soo tagtay.

Falis waa ogeyd in aysan war wanaagsan ka heleynin Yaasiin oo mudooyinkaan dambe isa soo badalay oo hadal xumada iyo xanaaqa uu ka soo horeeyey haddana marnaba kalama hadlin arrinka ay Hooyo Batuulo u sheegtay waxaase aamusnaantii Falis jebiyey saakaba markii ay surwaalka jeebkiisa ay ku aragtay Caleemo jaad tuhun ay in mudaba ay qabtay ayaa u cadaaday waxayna go’aansatay in aysan tani ku aamusin markii uu soo toosay ileyn waa nin aan wax shaqo ah aan ka dhicinee xilli duhurii uu dhawaa ayaa uu soo kacay markii ay quraacdii u geysay ayay hadalkii ku furtay oo ay ku tiri.

 

Falis:

Yaasiinow waan kula yaaban nahay kaalay adiga ma lagu soo badalay

 

Yaasiin:

Waxa aad ka hadleyso ma aanan fahmin

 

Falis:

Maxaad sidaan oo dhan isugu badashay Yaasiinkaan aqaanay ee ixtiraamka ii haayey ma tihid xataa ma aqaan jaceylkii aad ii heysay meesha uu kaa aaday.

 

Yaasiin:

Muhiimada hadalkaaga u daadeg.

 

Falis:

Maxaa ku ilow siiyey in ay masuuliyad ku saaran tahay maxayse tahay dhaqanada aad iminka la timid masuuliyadii ku saarneyd waa kaa aad iska ilaawday hantidii laguu abuuray cidna ma oga meesha aad geysay waa ku side Yaasiin ma sidaan ayaad rabtaa in aan ku noolaano ma ogtahay in beri uu ku egyahay biilka dukaanka mise sidii dugsiley Ayaan subaxii u cunto doontaa reerkaaga habeenkiina aan gurigaan u soo hurdo doontaa taasi miyey kula wanaagsan tahay xilkaaga ayaad gabtay runtii nafna in aad masuul ka tahay waad ilaawday ma aqaan balwada baas cida ku bartay.

 

Yaasiin:

Haye jaad ayaa uu cunaa miyaa lagu yiri.

 

 

Falis:

Taas sheegid uma baahna horena cid iguma sheegin balse dhaqankaaga Ayaan ka dareemayey saakana waa kanaa aan calaamadiisa ku arkay surwaalkaaga.

 

Yaasiin:

I maqal Falis ugu horeyn waad ku qaldaneyd in nolosheyda gaarka aad soo fara geliso hadaan is badalo iyo haddii kale waa dabeecadaheyga midaas adiga wax shaqo ah kuma lihid ma fahamtay naag la qabo ayaa tahay guri waad joogtaa halkaan fadhi.

 

Falis:

Haye maxaa ku fadhiyaa ii sheeg ileyn naag la qabo noqo ayaa I tiri naag la qabo masruuf iyo marashaba waxa ay ku leedahay ninkeeda.

 

Yaasiin:

Yaa intaba kuu diiday

 

Falis:

Sida nin wax ay meel u yaaliin ayaad u hadleysaa

Yaasiin inta uu quraacdiisa dhameysatay ayaa uu ka dhaqaajiyey iyada oo aan hadalka xataa la dhameynin irida ayuuna ka baxay.

 

Yaasiin nin ilbaxnimada inuu iminka helay isu heysta ayaa uu ahaayee balanta uu qaadayna ma aheyn mid ay ka go; neyd inuu fuliyo hadana taa awoodeeda maba laheyn oo shillinba kama dhicin asxaabtii uu hore qaadka ugu qaadi jiray ayaa uu la geerishaa oo maalmahaan ka bixiya qayilaadiisa balse la arki doono halka uu gaaro iyo meesha ay dhigto balwada.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com