Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 57aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Waa subax Jimco ah sida caadada ah Mursal ma shaqo tago sidaa ay tahayna guriiisa kuma negaado balse Saaka waxaa sugeyso Yaasmiin oo dooneyso in ay la hadasho wax badan ay ka ogaado xaalkiisa iyo haddii uu jiro dhib isaga u gaar ama mid uu iyada ku qabo.

 

Mursal markii uu toosay ooo uu fadhiistay miiskii quraacda loogu diyaariyey ayay Yaasmiin u tagtay iyada oo biyo ay siday miiska saareyso ayay ku tiri.

 

Yaasmiin:

Haye Mursal maxaa kale oo kuu dhiman

 

Mursal:

Maya Abaayo waa ay dhan tahay

 

 

Yaasmiin:

Ka waran inta aad quraacda cuneyso haddii aad kuu sii sheekeeyo

 

Mursal isaga oo aad ula yaaban Yaasmiin oo aysan u hore u dhicin in ay dul timaado xilli uu cunro cunayo ayaa yiri  .

 

Mursal:

Waxba, waan sheekeeyn karnaa maxaa cusub

 

 

Yaasmiin:

Wax cusub ma jiro ee waxaan is lahaa odoygaaga bal ogow haddii uu jiro wax dhib ah oo uu adiga kugu qabo

 

Mursal:

Side baad u hadleysaa Yaasmiin side ayay ku dhaceysaa in aan adiga kugu qabo dhibaato sow ma ogid in is ogol aan aheyn markii gurigeena unkeyney oo aan aheyn kuwa la isku qasbay.

 

 

Yaasmiin:

Intaad sheegtay oo dhan waa run balse fiiri sida aan ku nool nahay ma nahay kuwa is ogol xataa isku aroosay kolay jaceyl ma dhahayo aniga ileyn aniga oo kaliya ayaa ku jeclaaday xagaaga abid kama dareemin in aad jeceyl ii qabto.

Mursal cunistii uu haayey inta uu joojiyey ayaa uu ku yiri

 

Mursal:

Yaasmiin waa ku side ma anigaa iga shakineysaa

 

 

Yaasmiin:

Mursal aboowe shaki kama hadlaayo ee adiga is weydii qalbigaaga marnaba xageyga ma u soo jeedaa gurigaan waxaad ugu nooshahay sidii nin marti ah ama aan dhaho qof ijaar guriga ugu jira oo aniga iga xijaabanayo Mursal aniga ma aqaan waxa aan ku sifeeyo iyo magaca uu leeyahay xiriirka noo dhaxeeyo.

 

Mursal:

Ma xariirka noo dhaxeeya ayaa xagaaga magac xataa ka laheyn ma aqaan saaka waxa aad damacsan tahay oo aad I dhihi rabto maxay tahay sheydaanka ku saaran.

 

 

Yaasmiin:

Mursal sheydaan ima saarna illaahay ayaana ka magan galay aniga qorshaheyga saaka waxa uu yahay haddii uu jiro dhib aad aniga igu qabto waa intaa oo kaliya ileyn habdhaqanka aan ku nool nahay ma aha kii lamaano nolol ku heshiiyey ay ku noolaan lahaayeen.

 

Mursal:

Maxaa qaldan ayaad adiga is ledahay

 

Yaasmiin:

Ma aqaan sababta aad isu dabaalineysay nafteyda adiga ayay kugu laaman tahay waajibkii lagugu lahaa ma is tiri waa gudatay nolosha ma aqaan qaabka aad adiga u taqaan lacag iga badan ayaas bil kasta armaajada ii saartaa ma intaas oo kaliya ayaad mooday in ay nolosha tahay Mursal ma aqaan waxaan ku iraahdo intaa ka badan waa in aan iska aamusaa.

 

Mursal:

Waa ku baryayaa is deji

 

 

Yaasmiin:

Taa aniga ayaa ku qasban maxaa yeelay waxaa tahay midkaan rag oo dhan aan kala baxay balse waxaan dareemayaa in aad xushmad kaliya aad ii heyso oo aadan xataa aan qalbiga ugu jirin in aan xaaskaaga ahay.

Mursal inta uu soo istaagay ayuu kursigii ay ku fadhisay garabkiisa ku fadhiistay oo uu yiri

 

Mursal:

Maya abaayo intaas oo dhan qalbigayga adiga kuuma mooga waxaadna tahay naf igu lamaanan.

 

Yaasmiin inta ay istaagtay ayay damacday in ay baxdo waxaase isku duubay Mursal oo dhan walba ka dhuinkaday kuna yiri.

 

Mursal:

Macaanto iga raali noqo waan kaa raaligelinauyaa waana balan in wax badan aan ka badali doono habdhaqankayga waana balan in aan nolosheena aan hore u dhaqaajin doono.

 

Yaasmiin:

Mid ii sheeg Mursal ma qof kale ayaa noloshaada ku jirta jaceylka xoogan ee aan kuu qabo dartiis taada waan u hormari karaa aniga oo teyda iska ilawayo ii sheeg runta.

 

Mursal:

Maya taa ma jirto waxaanse kuu balanqaadayaa in aan wax badan aan iska badali doono iga raali noqo macaanto waa ku baryaa raali noqon waana balan in aan qaladaadkeyga aan sixi doono.

 

Yaasmiin:

Mursal aniga naf ku jecel Ayaan ahay waana mida mar walba aan isugu kaa haleeyo inta aan nafta sido waxaan ahaan doonaa naf kugu han weyn mana kaa quusan doono.

 

Sidii ayaa la isu raali geliyey Mursal uu wax badan qalbiga kaga garaowsaday in kaalintiisa uu lumiyey waliba isaga oo qalbiga ku haayo jaceyl iyo dareen aan xilligaan macquul noqon Karin ileyn nafta uu hamiyey ee uu qalbiga ku heysto ayaa ah xaas nin kale xillo u ah waxa uuna isu sheegay inuu wax walba ka gudbo doono qalbigana uu u furo xaaskiisa Yaasmiin waase loo joogaa balanta Mursal sida ay macquul ku ahaan doonto.

 

Falis maqaayadeydii ayaa u shidneyd waxaana moodaa in ay kasbaday dhamaan dhalinta xaafada oo dhan oo u soo shaah doonan jiray waxaase ayaandaro ay aheyd in ninkeeda oo ay dartiis arrinkaan u gashay si ay u ahaadaan reer isku filan oo raas iyo raasumaal yeesho ayaa moodaa inuu moog yahay xilkiisa uu gabay wax kaalmo ah kama hesho waxaase ugu darsamay xataa inuusan habeenkii uusan soo tiigsanin xilliga ay maqaayada xereyso waxayna kaalmo weyn oo ay mar walba ugu mahad celiso siiya Yaasiin saaxiibkii Nuuradiin oo habeenkii guriga geeya markii ay maqaayada xerto halka ninkii ay reerkeeda kaga soo go’day uu xilligaa gurigiisa ka maqan yahay isaga oo la ogyahay inuusan meel wanaagsan uusan ku maqneyn.

 

Qadar xiriirkii lugta u laabneyd ayaa uu weli la waday Samiira oo aheyd gabar si dhab ah kaga heshay oo waliba aheyd cidii calmashada bilaawday waxaase Qadar weli u hagaaji lahaa inuu meel cidla ku helo Samiira oo dhowr jeer casho ku casuumay balse iyada mar walba cudur daar u yeeleysay mar kale nooga dhig oo samirsiin ah waa ay dhihi jirtay balse Qadar oo ahaa nin dan weyn leh jariimo xun u maleegayey Samiira si uu ugu aarsadao walaalkeed Yaasiin ayaa mar walba oranayey dhib malaha macaanto inshah allah mar kale ileyn nin ay meeli u cadahay ayuu ahaayee.

 

Amuur walba waqtigeeda ayay ahaataa Qadar ugu dambeyn waa uu helay fursadii uu mudaba goobayey Samiira ayaa ugu bishaareysay in ay habeenka Jimcaha ay la soo casheyn doonto sidoo kalana ay Hooyadeed iyo aabaheedna ay ku wargelisay una ogolaadeen wallow habeenka Jimcaha ay 2 habeen oo qura ay ka harsaneyd hadana Qadar xilli hore ayaa uuwax walba diyaarsaday waxa uuna ugu talagalay cashada kadib inuu geeyo guri uu sii diyaarsaday oo ka fog xaafadooda maalin ka hor ayaa uuna furaha soo qaatay waxa uuna damacsanaa inuu cashada ka hor uu ku yiraahdo waalidkay Ayaan ku soo barayaa sidaasna ugu xadgudbo isaga oo u arkayey in ay tani tahay mida kaliya ee uu kaga aargudan karo Yaasiin oo ahaa Samiira walaalkeed.

 

Qadarkii saaxiibkii Saalaxey arrintaan waxba kalama socon waxayna arrintaan u aheyd mid uu wax badan ku fikiri jiray isla markaana uu wax badan ka waaniyey saaxiibkii balse aan la dhageysan.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com