Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 59aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Halkii ayaa lagu soo abaaray xaafada Samiira intii la soo socday mar kasta xaaladiisa ayay weydiineysay Qadarna tani waxay ku sii adkeyneysay in damiirkiisa uu sii cinqaabo isaga oo isku ciilgaambinaayey sida uu xumaanta ula doonay iyo sida ay naftiisa muhiimka ugu tahay oo ay ugu fikireyso.

Qadar wax kale ma heynin ee damiirkiisa ayaa cinqabayey ereyadii dareenka lahaa ee heestii Jaceylka Astaan u noqo ku jirtay ayaa indhaha u furay dareensiiyeyna in uu wado xun haayey.

 

Xaafadii markii la soo gaaray ayay guriga soo gelisay oo ay qolka fadhiga fadhiisiyey hooyo Farxiya oo la yaabtay sida dhaqsiyaha leh ee loo soo laabtay ayaa u soo gashay waxayna markiiba indhaheeda qabteen Samiira oo gacanta Qadar ku xereyso makiinada dhiiga lagu cabiro iyada oo naxday ayay la soo booday.

 

Hooyo Farxiya:

Samiira Hooyo maxaa helay wiilka

 

Samiira:

Hooyo ma aqaan mar kaliya ayaa uu sidaan noqday jirkiisa oo dhan ayaa qaboobay

 

Hooyo Farxiya:

Maxaa sababay Qadar Maama maxaad dareemeysay

 

Qadar:

Waan fiican nahay ee Samiira iska cabsaneyso xaalkayga ma xuma

 

Samiira:

Waxba ma fiicnid ee dhiigaaga waa uu hooseeyaa ee biyaha cab waa in aan biyo badan cabtaa

 

Prof Muumin oo galay ayaa yiri

 

Prof Muumin:

Haddii ay sidaa tahay waa in aan faleepo surnaa si kor aan ugu qaadno dhiigiisa

 

Samiira:

Ilaa xadkaas uma darna biyo badan haddii uu cabo waa ay ku filan tahay Aabe

 

Intaas oo hadal intii la is weydaarsanaayey Qadar qalbigiisa ma joogo waxa uuna ka fikarayaa sida wanaagsan ee loola dhaqmayo ee loo ogaanayo iyo waxa uu damacsanaa caawa illaahow adiga ayaa mahad leh ayaa uu qalbiga ka lahaa oo xumaanta iga fogeeyey waxaase markii dambe la hadlay Prof Mumin oo yiri.

 

Prof Muumin:

Qadar ii waran wiilkayga ka waran xaalkaaga

 

Qadar:

Waa fiicana nahay adeer

 

Prof Muumin:

Maxay tahay waxa laguu soo sheegay ee heerkaan ku soo gaarsiiyey

 

Qadar:

Wax dhib ah ma jiro Adeer waa wax iska sahlan

 

Samiira:

Wax sahlanma jiraan Qadar markii hore telefoon ayaad ku hadashay lacag Ayaan Akoonka ka fiiranyaa ayaad igu tiri xaaladaan waa gashay wax waa ay jiraan ee sidee wax u jiraan.

 

Prof Muumin:

Haa wiilayga noo sheeg waxaan kula qaban karno Ayaan ka qaban laheyn

 

Qadar oo ay ku adag tahay inuu runta sheego ayaa isu sheegay inuu wax uun u sheego reerkaan haddi kalana aysan ka hari doonin su’aalahaan badan waxa uuna ku yiri.

 

Qadar:

Adeer waa arrimo ganacsi

 

Prof Muumin:

Qasaare miyaa jiro

 

Qadar:

Ma weyna

 

Prof Muumin:

Is deji wiilakya adduunyadaan wax walba waa la arkaa naftaada lacag darted Qatar ha u gelin ma fahamtay waana iska hagaajayaan caawa qolka martida ayaa laguu diyaarinaa iska seexo.

 

Qadar:

Waad mahadsan tahay hadda in aan wanaagsan nahay Ayaan dareemayaa

 

Prof Muumin:

Haddii ay sidaa tahay darawal ayaa ku kaxeynayo oo xaafada kugu soo simayo

 

Qadar:

Intaas oo dhan ha is dhibina iminkaana idiin mashquuliyey waana ladanay waana bixi karaa adeer

 

Prof Muumin:

Inshah allah Caafimaad wiilkayga

 

Hooyo Farxiya iyo Prof Mumin markii ay arkeen inuu wanaagsan yahay ayay ka tageen oo isaga iyo Samiira isku dhaafeen Qadar oo weli ka xishoonayo inuu wejiga Samiira fiiriyo ayay ku a tiri.

 

Samiira:

Haye Qadar hadda side dareemeysaa

 

Qadar:

Aad Ayaan fiican nahay

 

Samiira:

Qasaaraha waa side bal ii sheeg ma fahmin ma lacagtii akoonka ka fiiri lagu miyaa la dhacay mise wax kale ayaa jira.

 

Qadar:

Ganacsi aniga ii gaar ah ayaa jiray oo aan aabahay ka warheyn kii ayaa ninkii lacag ku shaqeynayey ayaa la la yahay fariin ii soo dhacday ayaa la igu sheegay.

 

Samiira:

Inshah Allah Yasir Kheyr

 

Qadar markii uu in cabaar ah fadhiyey ayaa uu u sheegay Samiira inuu fiican yahay oo uu bixi karo wallow Samiira aysan ku kalsooneyn inuu baabuur kaxeyn karo oo ay ku tiri.

 

Samiira:

Kaalay adiga sow wiil saxiibo ha ma lihid u yeer si uu baabuurka kugu kaxeeyo

 

Qadar:

Cabsidaas oo dhan ma jirto waa kaxeyn karaa waana balan markii aan guriga tago waan ku soo wacayaa.

 

Sidii ayaa lagu qanciyey Samiira kuna fasaxday Qadar Hooyo Farxiyo iyo Aabe Mumin ayuu hore u sii macasalaameyey kagana mahadceliyey sida ay ugu dadaaleen waxa uuna baabuurkiisa ka soo saaray cashadii oo uu Samiira u dhiibay kana raali geliyey in habeenkoodii ugu horeeyey uu xaalka sidaan noqday waana ay ka aqbashay sidii ku baxay oo uu xaafadiisa ku aaday.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com