Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 60aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar markii uu xaafadiisa tagay ayaa uu abaaray halkii uu ka heli jiray saaxiibkii Saalax waana uu ka waayey markiiba telefoon ayaa uu ka wacay oo u sheegay inuu fadhiyo halkii ay fadhiisan jireen ee xaafada inuusan ka fogeyn ayaa uu u sheegay waana soo gaaray waxaana hadalka furay Qadar oo yiri.

 

Qadar:

Saalaxow illaahay ceebta ha asturo

 

Saalax oo aad ugu naxay markiina qalbigiisa ku soo dhacday inuu wax xun sameeyey ayaa la soo booday.

 

Saalaxey:

Wax xun miyaa sameysay ii sheeg saaaxiib waa ku baryaa hadal maxaad sameysay

 

Qadar:

Saxiibow wax ma sameynin illaaahay Ayaan ku mahadsan inuu wanaaga ii ilhaamiyey

 

Saalaxey:

Ii sheeg sidey wax u dhaceen armaa lagu ogaaday in aad xumaan u socotay

 

Qadar:

Maya saaxiibow bal kna waran haddii aan wax xun samey lahaa maxaa ku dhici lahaa aabahey sharafkiisa sow xumaan uma tacbi laheynoo.

 

Saalaxey:

Sidoo kalana barbaarintii Hooyadaana meel ayaaad kaga dhici laheyd waa illaah mahadiis haddii sheydaankii ku saarnaa iska naartay.

 

Qadar:

Samiira waa gabar fiican si dhab ayay ii jeclaaday bal fiiri waxaan doonayey in aan ku sameeyo caawa wixii ka dambeeyo xumaantii aan ku fiirin jiray qalbigayga waan ka saaray wallow aan jaceyl u qabin balse xusmad Ayaan u haayaa.

 

Saalaxey:

Haddii aad fursad siiso waa hubaa waad jeclaan doontaa  

 

Qadar:

Hablaha ila dhashay xataa kuma fikirin in xumaanta aan gabar miskiin ah aan ku sameeyo in walaalahey lagu sameyn karo.

 

Saalaxey:

Ii sheeg saxiibow maxaa qalbigaaga xumaanta uu u  haayey Samiira maxaa badalay bal sidey wax u dhaceyn.

 

Qadar:

Saaxiibow markii aan soo dul istaagtay maqaayadii aan cashada nooga balansaneyd ayaa waxaa I soo wacay Cadaawe oo igu yiri lacagihii badeecaada Ayaan akoonkaaga ku soo shubay ee hubi markii aan miiska cashada fadhiisanay.

Ayaan mobilekii furay waxaa ugu horeeyey oo ii saarnaa Fariin ay soo dirtay Samiira saacad ka hor xilligaas ereyadii ay ii soo qortay ayaa runtii damiirkeyga kiciyey waxaan ka dhadhansaday sida ay hufnaanta leh ee ay igu kalsoon tahay.

Runtii ereyadaas waxay ahaayeen kuwa aniga oo dhan I badalay waxaa I horyimid xumaanta aan faraha kula jiray iyo sida ay igu kalsoon tahay kolay hees in ay aheyd Ayaan filaayey laakiin si xoogan ii taabatay.

 

Saalaxey:

Ma maleyn kartid saaxiib sida aan kugu faraxsan nahay caawa runtii mudooyinkaan waan ku dhibsan jiray wax kale kuguma aan nicin waxaan diidaana in aad magac xun xabaarato.

 

Qadar:

Saaxiibow ma maleyn kartid xataa waalidkeed sida ay u wanaagsan yihiin isla markaana ay igu hanweyn yihiin illaaha ayaa ku mahadsan in aad wax xun sameynin.

 

Markiiba waa la is macasalaameyyey Qadarna waxa uu abaaray xaafadiisa markii uu ql;kiisa tagay oo uu dharka badalashay ayuu Samiira telefoonka ka wacay Samiira ooo mudo sugeysay ayaa la booday oo qabatay kuna tiri.

 

Samiira:

Qadar ma nabad tagtay aboowe xaalkaaga ka waran

 

Qadar:

Is deji Samiira waa fiican nahay

 

Samiira:

Xaafada ma tagtay

 

Qadar:

Haa qolakayga Ayaan ku jiraa oo aan kaala hadlayo

 

Samiira:

Waa illaah mahadiis haddii aad nabad tagtay caafimaadka ka waran hadda side dareemeysaa

 

Qadar:

Codkayga sow kama garan in aan fiican nahay

 

Samiira:

Alxamdullaahi runtii waan kuu cabsaday caawa waa illaah mahadiis caawa hurdo wanaagsan hurud waxbana ha isku murjin wixii dhacay kolay aabahaa si degan ayaa ugu sheegi doontaa.

 

Qadar:

Inshah Allah waa ay hagaageysaa habeen wanaagsan

 

Samiira:

Wanaagsan Macaane

 

Qadar inta uu soo weyseestay ayaa uu salad mahadnaq ah illaahay u tukaday kagana mahad celiyey in xumaantii uu ku fikiraayey uu qalbigiisa ka saaray wanaagana waafajiyey waxa uuna habeenkaas isku duubay hooyadiis oo markii ay weydiisay waxa ku dhacay ayuu ku yiri “Hooyo barbaarintaada wanaagsan Ayaan kugu mahdinayaa’. Waxa uuna habeenkaa ku seexday Farxad isaga oo wax badan Alle u mahadnaqayey.

 

Qadar subaxii waa uu shaqo tagay waliba saaka waa uu ka farxad badanaa subaxyadii ugu dambeeyey oo inta badan waqtiga keligiis qaadan jiray maadaama saaxiibkii Saalaxey uu ka xanaaqsanaa uu saaka waqtiga la qaadanayo.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com