Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 61aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar habeenkii xigay ayuu isaga oo aan la filaneynin tagay xaafadii Samiira oo markii ay aragtay ku tiri.

 

Samiira:

Qadar Maasha Allah walaahi kuma filaneynin

 

Qadar:

Waxaan diidanaa in aad wax badan iga fikir si aad u aragto in aan caafimaad qabo Ayaan kugu imid.

 

Samiira:

Maasha Allah Soo dhaaf

 

Qadar:

Aabe iyo Hooyo Meeyey

 

Samiira:

Malaha waa ay soo dhow yihiin saacadaan

 

Qadar:

Oo halkee tageen caawa

 

Samiira:

Eedo oo xanuunsan ayay aadeen

 

Qadar:

Illaahay ha caafiyo

 

Samiira:

Haye Qabow mise Kuleyl

 

Qadar:

Kuleyl abaayo

 

Kama uusan fogeynee tarmuus miiska saarnaa ayay koob shah kaga shubtay markaasey ayay ku tiri.

 

Samiira:

Waa illaah mahadiis ladnaan iyo degenaanba waa ay kaa muuqdaan maxaa soo kordhay

 

Qadar:

Alxamdullaahi sidii xalay sow kama wanaagsani

 

Samiira:

Aad oo weyn xalay aad Ayaan kugu baqay walaahi

 

Qadar:

Waan ogahay in naftaada aad lamaan iga dhigtay dareen xoogan oo aan cidina qiyaasi Karin aad ii qabto habeenkii xalay ahaa waan ka gudubnay cabsi ma jirto.

 

Samiira:

Adiga ka waran naftaada halkeen ka joogaa dareen xagaagada ma ii jiraa

 

Qadar:

Xalay ka hor waxba iskama dareemin

 

Samiira:

Dareen sidee ah

 

Qadar inta uusan ka jwaabin ayaa waxaa soo gashay Yusra oo inta qeylisay ku tiri

 

Yusra:

Qadarow waan kuu xanaaqsanahay

 

Qadar:

Maxaa kaa xanaajiyey bal ii sheeg

 

Yusra:

Ogow dumashigeyna ma tihid

 

Qadar:

Maba ihiyee

 

Qadar markii uu kalmadaas yiri ayay Yusra iyo Samiira is fiiriyeen balse inta uusan midkoodna hadlin ayaa uu Yusra labada garbiood ka qabtay oo uu miiskii hortiisa yaalay ku fadhiisiyey uu yiri.

 

Qadar:

Aniga waxaan ogahay in aad tahay gabadh aad u caqli badan ee mid iga jawaab gurigaan yaa kula nool oo kula degan.

 

Yusra:

Hoooyo iyo Aabe

 

Qadar:

Yaa kale

 

Yusra:

Samiira

 

Qadar:

Haye Samiira Markii ay kuu yeerto maxaad tiraahdaa

 

Yusra:

Abaayo Ayaan dhahaa

 

Qadar:

Qof aad aboowe dhahdo guriga ma joogaa

 

Yusra:

Maya

 

Qadar:

Gartay haddii aan walaashaa Samiira aan guursado sow Aboowe kuuma ihi ileyn iyadaba waa abaayee aniga maxaad igu yeeri laheyd markaas.

 

Samiira oo hadalkiisa la yaabaneyd oo markan ujeedka fahamtay ayaa Yusra ku tiri

 

Samiira:

Haye Yusra jawaab hee haddii aan aniga Abaayo ahay isagana sow Aboowe maaha

 

Qadar:

Haa waa intaas inta aan kaa rabo oo aad meesha ugu saarto in aad Dumaashi I dhahdo ma fahamtay hadda aboowe Ayaan kuu ahay.

 

Yusra:

Laakiin Jiiro dheer ayaa I soo marsiyey meel ka fudud oo aad igu dareensiiso miyaad weyday

 

Qadar:

Mida ugu macquulsan Ayaan u fahmay in ay tani tahay haye ma isku raacnay

 

Yusra:

Haa waan isku raacnay

 

Qadar:

Ii sheeg maxaad iga xanaaqday

 

Yusra:

Cashadii xalay oo aadan aniga I casuumin waan kaa xanaaqay runtii laakiin xanuunkaaga Ayaan wax walba ku ilaaway.

 

Qadar:

Ka waran haddii aan Qado iyo Casho kugu casuumo

 

Yusra inta ay qososhay ayay tiri

 

Yusra:

Sidee

 

Qadar:

Maalin Jimco oo aadan iskuul laheyn Ayaan labo gelin ku casuumayaa waliba adiga ayaa dalbanayo meesha aan casuumada ku qaadaneyno.

 

Yusra:

Laakiin masuuliyad weyn ayaad I siineysaa

 

Qadar:

Waliba cida kale ee nagu wehlineyso casuumada adiga ayaa u madax banana oo casuumayo.

 

Yusra inta ay qosohahay ayay mar kale ku tiri

 

Yusra:

Ka waran Haddii Samiira aanan casuumin

 

Qadar:

Cidaad casuunto oo kaliya ayaa na raaceyso

 

Yusra:

Maya walaashey waa ay na raaceysaa xanaaqii aan kuu qabayna waan ka soo laabtay waana mahadsan tahay.

 

Qadar:

Adaa Mudan walaashey

 

Yusra iyada oo faraxsan ayay qolka ka baxday Samiira oo weli indhaha ku heyso Qadar ayaa uu kor u soo fiiriyey misana waxaa indhaha ka buuxsaneyso Samiira markii uu dareemay in isaga ay ku dheygagtay ayaa uu ku yiri.

 

Qadar:

Haye Samiira ma ila joogtaa mise waa baxday

 

Samiira:

Ma ogtahay Macaane markii aad iga dheer tahay in aan kuu dhibtoodo markaad ii dhow tahayna kaama dhergo Qadarow jaceylkii waa igu labo jibaartay sow maaha in aan qalbiga kaa buuxsado inta aad ila joogto.

 

Qadar:

Waan ogahay in qalbi ii daacad ah uu igu sidkan yahay waxaana hubaa in ay imaan doonto maalin dareenka jaceylka aanan ku kala liidan.

 

Samiira:

Inshah allah Illaahay maalintaa ha igu simo

 

In cabaar ah ayaa la wada sheekeeyey mar kale ayaa uu Qadar ugu mahad celiyey Samiira sida ay qalbigiisa u dejiysay waxa uuna u sheegay in noloshiisa ay wax badan ka badashay midba midka kale ayaa uu Qeyr u rajeeyey sidii ayaa uuna ku baxay isaga oo ku sii adkeeyey inuu Aabe iyo Hooyo salaam ka gaarsiiso.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com