Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 62aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar waxa uu bilaabay inuu ku faraxsanaado la joogista Samiira taasina waxa ay aheyd calaamad lagu garan karay inuu dareen u qaaday Samiira wallow uusan si buuxda dhagaheeda u maqashiin inuu jecel yahay hadana waa iska dareemayey waxa uuna bilaabay in cabaar ah uu maalintii la shakeeyo oo uu joogteeyo habeenada uu ka maqan yahay in telefoonka isku hurdo siiyaan.

Haddii Qadar uu sidii hore ugu dhawaaday Samiira waxaad moodaa in dhinaca kale uu soo kordhiyey kala fogaanshaha Falis iyo Yaasiin oo mudooyinkaan ay badatay habeen dhaxiisa Falis cidna uma sheegto waxayna isu sheegi jirtay in mar uun uu isbadali doono oo uu qaladkiisa qaadan doono waxayna inta badan ay ka fikiri jirtay maqnaashiisa hadana waxa uu ugu dhigay in aysan taasi kala hadlin sidaas ayay kaga aamustay.

 

Waa xilli duhur ah Falis waxa ay joogtay Biibiteeda aad ayay maskaxdeeda mashquul badan u saarnaa waxay is tusineysay hees Raadiyaha ka socotay oo ay ku luqeyneysay Fanaaanad Dumar Murtida ay Heestu xambaarneyd  wax badan ayay godneyd Falis nolosha ay saaka ku jirtay meesha ay  nolosheeda mareyso oo ay u aragtay in rajo la’aan ay tahay Miraha heesta ayaa sidaan aheyd.

 

XUMA QOYS NINKAAD WADA DHISTEENOO HADDANA QAADSAN

XUMAA KAAD QALBIGA SIISIYOO QIIMO LAGA WAAYOO

QURXDAADA KAAD HOO TIROO WELI QARAABEYSTA

BOQOLAAL NIN MEEL KALE KA JECEL QALANJO LOO HOOYEY

 

Dareenka xoogan ay sheekada heesta laga sameeyey xambaarsaneyd ayaa aheyd mid si weyn u taabaneysay Falis maadaama kii ay reerkeeda kaga timid uu meereysi ka bixi la yahay waxaana iyada oo isla hadalkaa ku jirta u soo galay Nuuradiin oo ay Yaasiin saxiibo ahaayeen oo in cabaar ah fiirinaayey oo markii uu dareemay in ay fikir ku jirto inta uu garabka ka taabtay ku yiri.

 

Nuuradin:

Haye Falis soo laabo waad naga tagtayee

 

Falis oo fikirkii ay ku jirtay ka soo buraarugtay ayaa markii ay kor fiirisay ku tiri Nuuradiin

 

Falis:

Haye Nuuradiin xaalada waa lagu waayayee halkee ka dhacday

 

Nuuradiin:

Aniga meel la ogyahay Ayaan ku maqnaa ee adiga halkee aaday mudo Ayaan ku kor taagnaa imina aadan dareemin.

 

Falis:

Nafteyda Ayaan arrin la falanqeynayey heesta waa I qaaday ee halkee ka dhacday

 

Nuuradin:

Aabahey ayaa ii diray Bosaso oo alaab halkaa ka soo degeysay Ayaan aaday

 

Falis:

Maasha allah ma kuu soo dhamaaday

 

Nuuradiin:

Yaasiin sow kuuma sheegin isagaan u sheeg ku dhahay safarka deg deg ayaa uu ahaa

 

Falis:

Haddiiba aan is aragno sow ima sheegayo

 

Nuuradiin:

Oo side

 

Falis:

Walaahi aniga oo Jiifo ayaa uu imaanayaa ileyn waa nin waabarigii socda ma aqaan waxa uu qabto oo uu intaas ku maqan yahay isaga oo hurdana waan ka soo tagaa ileyn waan ku qasban nahay in aan ugu yaraan danteyda u kaco ileyn kii la ii deyriyey ayaaba noloshiisa iga saaray.

 

Nuuradiin:

Sidaas oo dhan ma filayo in xaalkiina uu rajo xun yahay maxaa iga dambeeyey

 

Falis:

Nuuradiinow aniga isku dhejinayo noloshiisa maahee xagiisa senti kama gooyo

 

Nuuradiin:

Walaahi wax kalama socdo ma heerkaan ayuu jooga saaxiibkay aniga ayaa la hadlayo

 

Falis:

Ma aqaan waxaanse ogahay in aadan waxba ka keeneynin sidiisa ku daa

 

Nuuradiin:

Kolay kama aamusi doono iminka meel Ayaan u socdaa mar baan u soo muraadi doonaa

 

Sidii ayaa uu ku baxay Nuuradiin isaga oo aad ula yaaban xaalka laamihii bilo ka hor uu guurkooda marqaatiga ka ahaa ee jaceylka u nasab sheeganaayey isla markiiba waxaa soo galay Yaasiin oo markaa hurdo ka soo kacay quraacdana ka soo doontay maqaayaada markii ay aragtay ayay Falis ku tiri.

 

Falis:

Yaasiin ma is aragteen hadduu inta ka tagay

Yaasiin oo sina u jecleysan warkeeda ayaa yiri

 

Yaasiin:

Oo muxuu doonaayey

 

Falis:

Oo muxuu dooni lahaa inuu safar u jiray sowtu aad ogeyda waa uu ka yimid

Yaasiin isaga oo aan u jawaabin ayuu u gudbay maqaayada dhinaceeda jikada oo uu Quraac in la siiyo u sheegay Boqol Jirow oo ahaa wiil caqli badan oo maqaayada alaabta ka dhaqa markiiba quraacda ayaa uu miiska u saaray Falis iyada oo la yaaban sida uu Nuuradiin u yasayo ayaa halkeeda iska fadhiisatay Yaasiin markii uu quraacda loo keenay ayaa uu si qeylo ah ku yiri.

 

Yaasiin:

Aaway kaalay waryaa baqtiyoo maxay tahay rootigaan qabowga ah miyaadan ogeyn in aan rooti qabow aan cunin dhaqso soo kululeey.

 

Boqol jirow oo aad ugu xanaaqay ayaa yiri

 

Boqol Jirow:

Soo kululey oo kaliya I dheh baqti ima dhihi kartid

 

Yaasin:

Ii sheeg baqtiga maxaad dhaantaa

 

Boqol Jirow:

Manta adiga iyo aniga cida baqtiga waa loo jeedaa ee edeb yeelo dacasyahow

 

Yaasiin:

Warka iska dhaaf doqonyahow ee shaqadaada ilaalsho baqtina waxba ma dhaantidee

 

Boqol Jirow:

Baqti waxaa la yiraahdaa wax dhntay oo meel yaal hadda adiga iyo aniga yaa baqti ah aniga nin shaqeysta oo xoogiisa maalo Ayaan ahay bal adiga is fiiri xaaskaaga ayaa xoogeeda cuntaa nimey labada hoos isugu soo baxaan ayaa dad caaynayo waryaa adaa caayin ee orod naga tag.

 

Yaasiin oo aadu xanaaqay ayaa soo aaday xagii wiilkii yaraa isaga oo damacsan inuu dilo Boqol Jirow inta uu cararay ayaa uu dabkii uu Aweys sambuuska ku dubaayey ayuu kala baxay qori shidan oo uu yiri.

 

Boqol Jirow:

Haye haye soo soco ma runtaa diideysaa waa kugu janno tagaa walaahi

 

Yaasiin:

Ma anigaa sidaa I leedahay waa haddii aad ii noolaato

 

Falis ayaa meeshii ay fadhisay ka soo roortay oo Yaasin qabatay kuna tiri

 

Falis:

Kaalay ma waalan tahay ma cunugaan yar ayaad dileysaa waa ku side miyaadan xishooneynin.

 

Yaasiin:

Waan dilayaa ma aniguu I caayi karaa

 

Falis:

Af is caayo isma amaano ma adigaa u turtay siduu isagana kugu turayaa

 

Yaasiin:

Anigaa aqlaaqda bari doono naa idea waa in aan dilaa ma dhaafayo baqtiga wejiga xun

 

Boqol Jirow:

Walaahi aanan kaa cabsaneynin soo daaya maxaad iga qaadi tahay Meyd xabaal waayey ayaa tahay orod Dacas kaa xun abid ma arkin.

 

Yaasiin inta uu xanaaqay ayaa uu ka soo fara baxsaday Falis oo uu si toos u soo aaday wiilki waxaase qabtay Aweys oo ku yiri.

 

Aweys:

Waxba ha u arkin waa wiil yar anigaana rootiga kuu kuleynayaa miiskaada iska fadhiiso ka aamus waryaa Boqol Jirow aamus adigana sow kaama weyna edeb yeelo.

 

Yaasiin:

Waa waxaan wixii dhalay aan edebta barin oo wadada ku soo deeyey

 

Falis ayaa u baaqday Boqol Jirow haddii uu jawaabi lahaa sidii ayaana lagu kala aamusay Yaasiin quraacdiisa ayaa uu cunay waana uu baxay markii uu baxay ayay Falis ku tiri Boqol Jirow.

 

Falis:

I maqal ninkaan afaarahiisa ha isku galin ka aamus hadda kadib aniga ayaa u soo howl deynayo oo quraacdiisa siinayo ee waxaan kaa rabaa in aadan hadal samaan ah xataa ha ku darsan ma fahamtay.

 

Boqol Jirow:

Waa balan Abaayo mana la hadalayo

 

Sidii ayaa uu qof walba shaqadiisa u taalay ku abaaray oo lagu kala mashquulay Yaasiin halkii caadada u aheyd ayaa uu abaray waa suuqii Jaadka iyo xaafadii lagu geerashayey Miskiin Falis waxaas oo dhan iyada oo og ayay hadana wax kasta ka aamusneyd xaq kasta oo naagi ay ninkeeda ku leedahay ayay ka weysay habeenkii isaga oo maqan ayay xaafada tagtaa.

Subaxii isaga oo hurdo ayay ka soo tagtaa ileyn in ay nolosha iyada dabarto ayaa u qoran Yaasiin waxa uu noqday sida uu Boqol Jirow ku sheegay MEYD XABAAL WAAYEY waa kan gabadhii reerkeeda kaga soo tagtay uu beylah ka dhigay oo uu siin la yahay nolol tii ay u qalantay caku xannuun badana NIMAAD REERKAAGA KAGA TIMID OO KU TABANTAABI WAAYEY.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com