Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 64aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar isaga oo aad u faraxsan ayaa uu ku soo laabtay xaafadiisa waxa uu abaaray qolkiisa markiibana isu sheegay in maalinta beri ah uu Laptop kiisa ugu sareeyo u iibiyo Samiira kedis kaga dhigo oo uu ku booqdo jaamacada maadaama maalinta beri ay tahay maalin waxbarasho oo ay jaamacada joogto.

 

Mursal balantii uu xaaskiisa ka qaaday ayuu weli xoojinaayey isaga oo wax badan noloshiisa hoos u dhigay waxaana dhici jirtay inuu wax badan la qaato oo uu wax badan ka wareysan jiray nolosha reerkeeda isaga oo markii ugu horeysay ugu sheekeeyey xaalada ay hooyadiis iyo aabahiis ay ku kala tageen iyo inuu wiil u yahay 3 hablood oo ay aabe iyo Hooyo ka wada siman yihiin.

Tani ayaa Yaasmiin u aheyd farxad marka ay aragto Mursal oo xaafada joogo iyadana u sheekeynayo waxaad mooday in Mursal ay markaan ka go’neyd inuu Xaaskiisa u laab xaarnaado oo uu qalbigiisa u furo yaase garan kara in ay kasban doonto oo ay qalbigiisa ka masaxi karto midii makaanka weyn ku yeelatay.

 

Saaka xilli hore ayaa uu toosay Qadar isaga oo ka cudur daartay quraacda uu caadiyan la quraacan jiray aabahiis markiiba waxa uu abaaray dukaanka shirkadooda ay ka iibsado computerada iyo dhamaan alaabta korontada ku shaqeeya ee xafiiska loo isticmaalo.

Waxaana lagu saaciday laptop kiisa ugu sareeya sidoo kale nooc silver ah oo aad u qurux badan ayaa loo xulay maadaama uu wiilka si hoose ugu sheegay inuu gabar xabiibtiisa uu hadiyad ahaan u siinayo sidoo kale ayaa loogu riday Boorso aad uqurux badan oo beryahaas dhalinta ay inta badan laptopka ku qaataan Qadar isaga oo aad u faraxsan ayuu dukaanka ka soo baxay oo hadiyadii uu Samiira ugu talagalayna sita ayuu soo abaaray.

Halkii ay ku taalay Jaamacadii ay Samiira wax ka baraneysay markii uu isa soo dul istaagay ayuu Xafiiska tiigsaday una sheegay inuu Rabo gabadha Prof Mumin markii uu yiri ayaa markiiba la gartay oo inta meel la fadhiiyey lagu yiri halkaan ku sug waa laguu soo wacaya Samiira markii loo sheegay in xafiiska laga wacayo waxa ay u qaadatay in aabaheed uu wacayo balse markii ay timid oo ay Qadar aragtay ayay la yaabtay oo ay ku tiri.

 

Samiira:

Maasha allah Qadar ii waran waad soo dheeraatay

Qadar:

Waa ladan nahay ee adiga oo kaliya Ayaan kuu imidee alaabtaan iga gudoon adiga ayaa is kaleh

 

Samiira oo markiiba garatay ayaa tiri

 

Samiira:

Laakiin sidaan iskuma ogeyn Qadar

 

Qadar:

Tani aniga ayaa jeclaa kuna faraxsanaa ee iga qabo

 

Samiira:

Maxaan ku dhahaa ma aqaan sidaan kugu mahad celiyo

 

Qadar:

Waxba ha dhihin waxa kaliya oo aan rabaa mar kasta oo aad kala furto inaad I soo xasuusato

 

Samiira:

Daqiiqadba qalbigayga kama baxtid sow ma ogid harkayga inuu adiga yahay macaane

 

Qadar:

Maasha allah waan kaa sii tagayaa fasalka ku noqo telefoonka Ayaan iska maqleynaa

 

Samiira:

Haye waan ku soo wacaa markaan jamaacada ka soo baxo

 

Samiira markiiba xagii fasalka ayaa ay u dhaqaaqday Qadar inta uu gadaal u wacay markii ay soo jeesatayna ku yiri

 

Qadar:

Ogow in Mar kasta uu jiro qof aad qalbigiisa ku weyn tahay oo garabkaaga taagan si xad dhaafna kuu jecel

 

Samiira inta ay dhoolacadeysay ayay indhaha ugu muujisay sida ay ugu qanacsan tahay Qadar isaga oo aad u faraxsan ayuu ku soo laabtay xafiiskiisa oo quraac dalbatay maadaama uu saaka guriga ka soo kalahay.

 

Mursal tan intii uu saxiibkii Adam uu talada siiyey sidoo kalana Yaasmiin ay afka ku furatay waxaad mooday inuu ka baxayo noloshii uu gacanta ku heystay isna moogsiiyo maantana waxaa guriga lagu martiqaaday Adam oo gebi ahaan magaalada Muqdisho laga badalay oo ku noqonayo magaalada Hargeysa oo markii hore laga soo badalay qadadii kadib ayaa uu Adam fursad ku helay Yaasmiin oo manta oo dhan fursad ay keli ku tahay ku raadinaayey markii uu yimid ayaa uu ku yiri.

 

Adam:

Ii waran Yaaska xaalada

 

Yaasmiin:

Fiican Adam maxaad u baahneyd

 

Adam:

Maya walaahi waan ku salaamayey oo kaliya ee ka waran qoftii Falis aheyd

 

Yaasmiin:

Yaaba garan halka iyo xaalada ay ku sugan tahay

 

Adam:

Oo weli cidna ma aysan soo xariirin

 

Yaasmiin:

Maya waxaan ku dhow nahay in aad ilaawno

 

Adam:

Waxaan rajeynayaa in ay nabad qabto

 

Yaasmiin:

Mar kasta Ayaan wanaag iyo farxad u rajeeyaa

 

Adam:

Adiga xaalkaaga ka waran Saxiibkey farxad ma ka heshay

 

Yaasmiin:

Walaahi waxaan dareemayaa in aad wax badan xaalkeena aad ogtahay

 

Adam:

Mar kasta Ayaan ku canaantaa balse aniga adiga Ayaan rabaa in aan si gooni aan kula dardaarmo

 

Yaasmiin:

Maxaad I leedahay

 

Adam:

Saaxibkey waan aqaan waa nin aan hadall badneyn cidna ma garan karto waxa uu qabo sidaas dardeed Ayaan kuu leeyahay adiga noqo mid mar kasta ka hadlisa waan hubaa waad kasban doontaa.

 

Yaasmiin:

Adamow saaxiibkaa ma aqaan nooca uu yahay waa nin aan ilaa iyo hadda aan fahmi Karin qofka marka uu ogol yahay inuu mugdiga ka baxo ayaa iftiinka loo jidi karaa balse nin isaga rabo inuu mugdi uu baaqi ku sii ahaado ma aqaan sida aan ugu dumi karo nolosha dhinaceeda farxada taal.

 

Adam:

Waa runtaa balse dadaal dheeri la imaaw aniga Hooyadey iyo aabahey waa Ina Abti iyo Ina Eedo ayay ahaayeen oo waliba meel ku soo wada koreen Aabahey markii uu dadii guurka gaaray ayaa uu reerka ku yiri gabar Ayaan is calmaney ee ha la ii guuriyo Ayeeyo waa ay ka diiday waxayna u sheegtay in haddii uu gursanayo Barwaaqo kaliya ay tahay gabadha uu guursanayo isagii waa uu ka diiday oo gabadhii uu rabay ayaa uu la baxsaday.

Isaga oo wiil yar oo bilo jir ah wata ayaa uu ku soo laabtay reerka isaga iyo xaaskiisa markii Ayeeyo loo keenay iyadana kama soo dabcin go’aankeedii hore waxayna ku tiri guri gaar ah Ayaan ku dejinaa waana la oganaayaa xaaskaaga iyo wiilkaaga laakiin nimuu illaahay afar u baneeyey ayaa tahay waa in aad Barwaaqo guursataa gurigaan aad igu dhaqdaa Aabe wallow uu diiday haddana dantiisa ayuu u ogolaaday guurkii hooyadey, Mukulaal qoor qabad biyo kuma cabtee Aabe iyo Hooyo xiriir wanaagsan uma dhaxeyn.

Ayeeyo markii ay dareentay ayay taladii ay hooyadey siisay ahayd in iyada markaan uu xaalka joogo loona baahan nahay in ay ninkeeda soo jiidato naagta kalana ka dhacsato ugu dambeyn hooyadey waa ay ku guuleysatay in ay Aabe soo jiidato naagtii kalana waa ay kala tageen oo wiilkeeda waa nin maata aniga 2 gu iga weyn hooyadey ayaa korisay oo uu hooyo u yaqaan marka Dumsaashi nin waa carruur cago weyn ee isku day in Mursal nolosha baas ee riyada ah ee uu ku jiro aad ka saarto nolosha adiga u fur ee macaanka nolosha laamanaha ay leedahay dareensii.

 

Yaasmiin:

Runtii taladaada waa mid wanaagsan waana qaadan doonaa balse aniga Mursal waan ka maagay waxaana rajeynayaa wanaaga aad nala jeceshahay in aan gaarno

 

Adam inta uusan jawaabin ayaa waxaa soo galay Mursal oo ku yiri

 

Mursal:

Anigana adiga Ayaan ku goobayey ma halkaan ayaad joogtaa

 

Adam:

Dumaashidey Ayaan la sheekeynaayey oo aan ku lahaa wiil la igu samiyo goormuu imaan doonaa

 

Mursal iyo Yaasmiin mar kaliya ayay is fiiriyeen Adam marka uu arkay in labadoodaba ay si isu fiiriyeen

 

Adam:

Maxaa jira in aadan ilmo isu dhalin miyaad ku heshiiseen

 

Yaasmiin:

Haye Mursa saaxiibkaa naga qabo hee

 

Mursal:

Fiiri Adam dad inta ay is guursadaan hadana dhahaayo ilmo ma rabno intee ku aragtay

 

Adam:

Hadda meel kuma arkinee balse sida aad isku fiiriseen Ayaan la yaabay ee fadhiga halaga kaco shaqada hala kordhiyo

 

Mursal:

Soo bax markaan warkaa badisay qaxwaha waa diyaar

 

Adam:

Ma ogtahay Saxiibow in aad tahay cida kaliya ee markaan baxo aan u xiisi doono

 

Mursal:

Anigaba si xoogan Ayaan kuu tabi doonaa wax kasta ayaad ii aheyd

 

Adam:

Waliba waxan kuu ahay saxiib Yaasmiin ninkaan adiga Ayaan kugu ogahay aniga taladiisa Ayaan ahaa ee adiga doorkaa iga qabo ee ha dayacin.

 

Yaasmiin:

Mar haddii uu laabteyda ku qoran yahay sideen ku dayacaa Adamow

Adam:

Qeyrka Ayaan idiin rajeyey

 

Sidii ayaa aaminta lagu yiri laguma abaaray halkii casriyada lagu diyaariyey in cabaar si wadajir loo wada sheekeeyey halkiina lagu macasalaamey Adam oo maalinta beri u ambabixi doono magaalada Hargeysa oo aheyd magaaladii uu ku dhahssy mudana uu mogaa oo uu Mogasihu howlo shaqo u joogay.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com