Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 67aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar markii uu samatagay cidii ugu horeysay ee uu soo wacay waxa ay aheyd Samiira uu u sheegay inuu nabad tagay kuna soo socdo gurigii uu mudada bisha uu noolaan lahaa.

 

Qadar halkaan iyo Dubay ma aheyn markii ugu horeysay waxay u aheyd magaalo uu aad ugu faraxsanaa uuna ku ducaysan jiray in xilli kasta oo xisaabta halkaan la soo xerayo inuu noqdo cida loo dirayo balse safarkaan waxaad moodaa inuu ku faraxsaneyn sida safaradii hore Qadar nin qalbigiisa la qaaday ayaa uu ahaa waxaana mooday inuu si u madluunsanaa dhalintii subaxaas ku soo dhaweysay gegida diyaaradaha waxa ay weydiiyeen inuu xanuunsan yahay balse uu u sheegay inuu ladan yahay.

 

Mar haddii uusan Qadar joogin Aabe Warsame ayaa uu ahaa cida xisaabta guud ee xafiiskooda Muqdishu xereyso waraaqihii miiska loo soo saaray oo ay isugu jireen alaabta la soo iibiyey biilkii korontada biyaha iyo raashiinka maqaayada ay shaqaalaha ka cunteeyaan xilliga shaqada lagu jiro ayuu mar kaliya ku arkay lacag si gaar ah ugu magacaaban Qadar oo ka timid dukaanka qalabka xafiiska ka iibsadaan iyada oo aan si cad loo qeexin ayaa uu Aabe Warsame daba galay loona sheegay in Computer Laptop uu wiilkiisa ku qaatay oo uu waliba cid ku qaali ah u siday ayaa loogu daray Aabe warsame oo arrintaan la yaab ku noqotay ayuu markii uu xaafada tagay kala hadlay xaaskiisa oo uu ku yiri.

 

Aabe Warsame:

Xaajiyo Maryaney manta arrin aan la yaabay Ayaan xisabaadkii shirkada ku arkay

 

Hooyo Maryan:

Qadar nin adag Ayaan ku ogaayee ma qalad ayaa uu sameeyey

 

Aabe Warsame:

Sidaa maaha wiilkaaga ka waran haddii haddiyad qaali ah uu u iibiyey gabar

 

Hooyo Maryan:

Ma dhici kartee ma Qadar ayaa gabar inta uu ka helay hadiyad waliba siiyey

 

Aabe Warsame:

Laf ahaanteysda waxa ay igu noqotay waxaan aqbali Karin ninkii adkaa waa la soo dhaadhiciyey.

 

Hooyo Maryan:

Taasi gabar iga dheh haddiiba ay Qadar soo jiidatay bad uu ka soo daahay ayaa uu rabaa inuu ku dabaashee armuu lacag xoogan bixiyey.

 

Aabe Warsame:

 Walaahi ma qiyasi kartid sidaan ugu farxay intuu doono ha bixiyee Qadar oo gabar ii keenayo waa arrin aan sina qalbigeyga maalin ugu soo dhicin.

 

Hooyo Maryan:

Waa runtaa Xaaji Qadar mar kasta oo arrin guur ku soo qaado waa uu xanaaqi jiray waxaan qabaa haddii ay gabadha reer wanaagsan ka dhalatay in durba loo doono.

 

Aabe Warsame:

Waa sidaas Xaajiya balse waxaan sugeynaa ilaa inta uu nala yimaado gabadha markaa Ayaan ogaan karnaa reerka ay ka dhalatay.

 

Hooyo Maryan:

Inuusan la soo daahin illaahay ha ka dhigo

 

Aabe Warsame:

Allow Aamiin Qadar oo reer leh illaahay waa uu igu simi karaa

 

Qadar waalidkii sida ay ugu qanacsan yihiin in wiilkooda uu reer yeesho ayay muujiyeen waxa la dhowraba waa Qadar oo qirto in qalbiga loo dhaafo isla markaana loo doono gabarta uu calmaday.

 

Iyadoo aan ognahay in Qadar la lalayo beryahaan walow uu dalka ka maqan yahay haddana Dareenka Jaceylka waa uu ku soo kordhay mar haddii midii uu ku indho dogsan jiray ay ka fog tahay Qadar subax kasta ayaa uu telka ka soo wacaa Samiira habeenkiina ilaa hurdada ayay isla gaaraan balse saaka waa ay ka duwan tahay subaxyadii hore Qadka kuma jirto Samiira xataa telefoonkeeda waa uu dansanaa meel uu is dhigo ayaa uu la’aa isaga iyadoo Samiira saaka la hadlin ayaa uu xafiiska tagay mar walba oo uu isku Dayana xaalka sidiisa aya uu ahaa waxba iskama badalin ilaa galabtii ayaa uu gaaray telka Samiira inuu dansanaado tanina wiilka beryahaaan dareenka jaceylka u nugul ee Qadar ayay dhib u aheyd nasiib wanaag markii uu salaadii Maqribka ka yimid ayaa uu isku dayey misana telka waa u dhacay Samiira oo aan ka fogeyn ayaa ka qabatay waxa uuna Qadar la soo Booday.

 

Qadar:

Samiira macaanto ma ladan tahay sideee wax u jiraan bal ii sheeg maxaa ku helay

 

Samiira oo aad ula yaabtay ayaa ku tiri

 

Samiira:

Macaane waxba ma jiraan ee adiga maxaad maqashay

 

Qadar:

Aad Ayaan kugu walwalay ilaa saaka Ayaan ku waayey xataa telkaaga waan soo garaacay maxaa ku helay

 

Samiira:

Waxba Macaane ee qadka ma aanan soo gelin teeda kalena telka waa iga damay maxaa yeelay manta oo dhan Ayaan isbtiaalkii taagnaa

 

Qadar:

Oo Maxaa jirana isbitaalka oo aad ka doontay

 

Samiira:

Gabar aan deris nahay Ayaan la kulmay oo fool ah cidna aan la joogin oo aan isbitaalkii geeyey kamana soo tagi Karin ilaa ay ka dhasho ileyn cid kale ma aysan heysan.

 

Qadar:

Oo kii qabayna meeyey

 

Samiira:

Safar ayaa uu jiray

 

Qadar:

Siduu kaga tagay xaaskiisa oo xilligii dhalmada joogto waaba nin qeyrul masuul ah kaasi muxuu ahaa.

 

Samiira:

Laakiin isaga waa baabuurey hadana waa ninka kailya ee reerka u xamaala sow dow maaha inuu shaqo tago.

 

Qadar:

Ogow xaaskaaga nafteeda ay kugu tahay masuuliyad kale oo aad hore u qaaday waxba yaanan arrimo aan shaqo ku laheyn ku daalinee adiga ii waran.

 

Samiira:

Maasha Allah daadax Ayaan ahay adiga xaalkaaga ka waran shaqadii iyo magaaladii

 

Qadar:

Shaqada iyo magaaladaba waa kuwa aan si fiican u aqaan runtii wax dhib ah kuma qabo balse xaalad kale oo aan sii sawiran ayaa I waaleyso Macaanto.

 

Samiira:

Oo maxay aheyd

 

Qadar:

Jaceylkaaga macaanto markii aan kaa soo fogaaday waxaad moodaa inuu ugaarsi xoogan igu haaya waa yaabe muxuu sidaan igu lalayaa.

 

Samiira:

Runtii waan ku faraxsan nahay arrinkaas maxaa yeelay waxaa jiray beryo aan aniga sidaa ahaa manta hadddii aad ila qabto sow mahad alle maaha.

 

Qadar:

Ma maleyn kartid sida aan u baaba’ay.

 

Samiira:

Ma dhici kartee

 

Qadar:

Sow ma ogid la joogaaga inuu qalbi negi ahaa muuqaalkaagana uu quud ii ahaa

 

Samiira:

Haddii ay sidaa tahay Kaamirada Ayaan furayaa si aan kuu arko

Samiira markiiba Kaamaradii ayay furtay oo ay aragtay Qadar kuna tiri

 

Samiira:

Kaalay cunto wax kuu kariyo malaha maxay tahay sida aad 15 maalmood gudaheeda ugu dhamaaday

 

Qadar:

Cunto miyaa iga maqan macaanto waa ay iska buuxdaa laakiin nafta adiga oo kaliya ayay ku tabeysaa

 

Samiira:

Macaane adiga iyo aniga waan isla heynaa mana nihi kuwa kala fog waxaan aaaminsan nahay in qalbiyadeena ay yihiin kuwa mideysan iminka oo maalmo aan kala maqan nahay ayaad xamili la’ dahay side nolosha ku maareyn doontaa haddii aan dhinto.

 

Qadar:

Waa ku baryaa sidaa ha oran ma doonayo in ay geerida na kala fogeyso waa ku baryaa nafteyda dhibkeeda ha noqon maxaad geeri uun u sheegtaa.

 

Samiira:

Macaane waxa kaliya ee aan ogahay ayaa ah in aan ahaan doonin naftaada dhibkeeda balse ogow in geerida ay tahay mid xaq ah oo cid kasta ku imaaneyso xilli kastana la fisho.

 

Qadar:

Taasi waa run macaanto balse nolosha macaankeeda aan mar uun wada dhadhamino oo farxadeeda aan wada miisano.

 

Samiira:

Kuwii nolosha ku midoobo rabbi hanaga yeelo

 

Qadar:

Allow Aamiin

 

Sidii ayaa sheekooyin badan oo nolosha ku saabsan lagu galay kadib la isku macasalaameeyey maadaama Samiira ay codsaday in ay seexato sidii ayaana hurdo wacan iyoi riyooyin qurxoon la isu rajeeyey.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com