Falis wallow aysan waalidkeed wax cuqdad ah u qabin haddana waxaa qalbigeeda ka go’I la’ hadalkii Qadar oo reerka oo dhan ugu saaray aabaheed uusan kalmad ka dhihin waana mida iyada sida xoogan u sii fogeysay maantana aysan u rabin in ay illinka reer Warsame Cali ay dul istaagto iyada oo saacidaad u baahan.

 

Samiira ilaa habeenkii xigay ayay ka maadaneysay Hooyadeed iyada oo mar kasta ka cabsi qabtay in wixii dhacay lagu soo hadal qaado cashadii kadib ayaa hooyadeed waxa ay ugu tagtay qolkeeda oo markii ay argtay in la dul taagan yahay ayay cabsi dardeed u tiri.

 

Samiira:

Hooyo aniga waa jiifanayaa ileyn beri imtixaan Ayaan leeyahay

 

Hooyo Farxiya:

In aadan imtixaan laheyn waan ogahayee kaalay maxaad iga baxbaxsaneysaa ilaa xadkaan miyaad iga baqeysaa

 

Samiira:

Hooyo qaladkii dhacay waxba kuma lihi laakiin waxaan kuu balanqaadayaa in aysan mar kale dhicin

 

Hooyo Farxiya:

Waan ogahay in aadan adiga laheyn qaladka oo uu Qadar lahaa ileyn isaga ayaa ii sheegay igana raali geliyey

 

Samiira:

Side hooyo ma Qadar ayaad wacday oo aad kala hadashay maxaad sidaas u yeeshay Maama

 

Hooyo Farxiya:

Isaga ayaaba ii yimid oo waliba inuu arrintaas iga raali geliya igu yimid

 

Samiira:

Laakiin side Hooyo aniga uma sheegin in aad noo xanaaqsan tahay

 

Hooyo Farxiya:

Haa uma sheegin laakiin qofta qaladka galay mar kasta waa uu dareensan yahay qaladkiisa waana uu fahmay in arrintaas adiga lagugu soo canaantay

 

Samiira:

Hooyo Ma saamaxday hee

 

Hooyo Farxiya:

Mar haddii uu qaladkisa qaaday haa waa saamaxay waliba arrimo kale Ayaan ka hadalnay balse mar kale Ayaan kuu sheegayaa

 

Sidii ayay ku baxday Hooyo Farxiya iyadoo tan ay Samiira leeb ku taagnaa oo laga siibay mar haddii hooyadeed ay ka raali noqotay

 

Qadar tan iyo markii uu safarka ka yimid ma dhicin in ay aabahiis wada fadhiisteen oo ay arrimo qoys iyo mida ganacsiba ay ka wada hadlaan ayaa caawa ku kulmay saloonka guriga oo ay waliba fadhiso Hooyo Maryan waxaana hadalkii furay Aabe Warsame oo ku yiri.

 

Aabe Warsame:

Bal Qadarow ii waran beryhaaan laguma arkee halkee qabataa

 

Qadar:

Halkee qaban lahaa Aabe xaafada ma dhaafo ilaa aan shaqadii jiro mooyee

 

Aabe Warsame:

Beryahaan nin isbadalay ayaad u muuqataa maxaa soo kordhay

 

Qadar inta uu qoslay ayuu yir

 

Qadar:

Maxaa soo kordhi lahaa aabe waxba ma jiraan halkeese is leedahay ayay wax ka soo kordheen

 

Hooyo Maryan oo gobta wax ka fadhisay isla markaana sheekada la socotay ayaa tiri

 

Hooyo Maryan:

Aabahaa halka uu u socdo ma garanayee ee wiilkayga aaway balantii aan laheyn

 

Qadar:

Hooyo balanta maxay ahayd

 

Hooyo Maryan:

Sow ma rabtid hooyo in owlaadaada la arko gabar ii keen ama aan kuu keeno

 

Qadar:

Iminkaa ku gartay taasi ma dheeraan doonto markaan Hooyo

 

Aabe Warsame:

Micnaha gabar ayaad I noo keeni doontaa sow maaha

 

Qadar:

Haa Aabe laakiin yaan la ii dhararin

 

Aabe Warsame inta uu qoslay ayaa uu ku yir wiilkiisa

 

Aabe Warsame:

Aabe waan ku farxay kalmadaas laakiin ha nagu soo daahin

 

Hooyo Maryan:

Haa wiilkayga aniga owlaadaada in aan arko Ayaan rabaa

 

Qadar:

Insha allah Maama waad arkeysaa

 

Aabe Warsame:

Wiilkayga caawa sidii hore waad ka dhowdahay

 

Qadar:

Haa Aabe gabar reerkaan u qalanto Ayaan markii horeba la’aa iminka waan haayaa inshah allah xilli dhow waan idiin bari doonaa.

 

Hooyo Maryan:

Illaahow igu sin in aan arko

 

Qadar:

Aamiin hooyo waad arkeysaa Inshah allah waana sii seexanayaa habeen wanaagsan

 

Mar kaliya ayay Hooyo Maryan iyo Aabe Warasame is yiraahdeen Wanaagsan wiilkaygoo habeenkaas farxad ayay u aheyd mar haddii Qadar uu ogol yahay inuu guursado oo waliba dooqiisa ku guursado duco wadajir ayay u mareenoo waliba aamiin ku qadimeen.

 

Yaasmiin faraxdii iyo hadiyadii uu alle siiyey ayay aad ugu riyaaqsadeen nolosha Hooyonimo ee rabi ku galaday ayay aad u soo dhaweyneysay Mursalna waxa uu ahaa mid aad ugu dhow oo aan xataa u ogoleyn in ay howl qabato iyada oo waliba xilligii culeyska uurkeeda aan la gaarin waana mida uu ugu keenay Aamow oo aheyd gabar guriga kaga shaqeysa.

 

Falis xaafadii saaxiibteed ayay ku sugan tahay reerkii ay ka dhalatayna ma oga xaalka ay ku sugan tahay wallow aysan nolosha ku qanacsaneyn meesha ay la gashay hadana waa ay isa samirsiin jirtay waxayna nafta kula balami jirtay in waayaha meesha uu  dhigay ay aqbasho iyada oo waliba wanaag inuu rabi ugu badali doono isu sheegeysay, Hooyo Batuulo oo aheyd Yaasiin Hooyadiis oo intii muda aan ka warheyn xaalka Falis iyo Yaasiin oo markii ay arkeen in Falis ay is bixisay oo ay iskeed u shaqeysaneysay ay ku yareyd in ay ku booqoto goobteeda ganacsi ayaa maalmo kadib furiinkeeda ka warheyshay in wiilkeeda iyo Falis ay u kala dhamaaday waxayna markiiba ku soo baxday maqaayadii waxa ayna kula kulantay Nuuradiin oo caadiyan subax kasta marka uu shaqo tagayo hore u soo maro oo xaalkooda ka wareysta waxayna markii ay Nuuradiin arkay ku tiri.

 

Hooyo Batuulo:

Nuurow wiilkayga maxay tahay waxa aan maqlayo aaway Falisna

 

Nuuradiin:

Hooyo Falis ma joogtee maxaad soo maqashay

 

Hooyo Batuulo:

Halkee aaday maxay tahay furiinka la sheegayo

 

Nuuradiin:

Ma iminka ayaad maqasheen furiinkaan usbuuc ka hor ayuu ahaa Falisna waa baxday maxay kale oo ay sameyn kartay ileyn Naag la furay waa u bixid oo kaliya.

 

 

Hooyo Batuulo:

Walaahi wiilkaygoo aniga waxba kalama socon iyaga haddii aysan ii soo sheegin maxaad adiga igu soo aqbaari weyday waan qaban laheyn.

 

Nuuradiin:

Ma filayo Hooyo ileyn iyaga ayaa ku heshiiyey wallow buuqa aan ogaa balse meel uu furiin ku dhacay ma ogeyn iyaga oo soo dhameystay Ayaan imid.

 

Hooyo Batuulo:

Ma aqaan waxaan dhaho telefoonka Falis waa uu dansan yahay number kale ma ka heysaa

 

Nuuradiin:

Anigaba saaka Ayaan arkay inuu dansan yahay kolay in ay iyada ugu talagashay Ayaan filayaa balse haddaan helo numberkeeda waan kuu soo sheegi doonaa waana sii baxayaa oo shaqo Ayaan tagayaa.

 

Hooyo Batuulo:

Haye wiilkaygiyow Kii Yaasiin ahaa isaga ma aragtay

 

Nuuradiin:

Ijaarka guriga bisha inta ka harsan ayaa uu dhiman kadib isaga ayaa kuu imaan doono waxba ha dhararin.

 

Hooyo Batuulo:

Ma aqaan waxaan dhaho laakiin aniga ayaa qirayo Yaasiin marnaba Falis uma qalmin waana saaqid duli ah illaahay nolosha ha u fududeeyo waan u duceeyey gabar nolosha ay dhab ka ah tahay ayay aheyd balse wiilkayga ayaa daalim ahaa.

 

Sidii ayay ku baxday Hooyo Batuulo iyada oo aad ugu xun wixii dhacay balse maxay sameyn kartay waxa uu ahaa qadar xagga Alle ka yimid intaa ayaa qorneyd in Yaasiin iyo Falis ay wada noolaadaan.

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 74aad