Caawa waa habeenada caadiyan ay kulmaan Samiira iyo Qadar qofba qofka kale la kulnakiisa waa uu la weynaa waxaana mooday in markaan uu jaceylkooda si weyn u saldhigtay oo kalsooni baaxad leh ay abuurantay.

Qadar caawa waxa uu la soo cararaayo in ugu dambeyn Samiira u sheego in la joogo xilligii xiriirkooda xeriga loo dhuujin lahaa markii in cabaar ah la sheekeeyey ayaa uu mar kaliya hadalka dhinac kale u weeciyey oo uu Samiira ku yiri.

 

Qadar:

Macaanto ilaa hadda waxa aad damacsan tahay ima sheegin

 

Samiira:

Macaane kuma fahmin

 

Qadar:

Mar haddii aan sidaan oo dhan aan isu hamuun qabno sidoo kalana kalsoonida ay nala jirto maxaa inoo xigi doono

 

Samiira:

Macaane mar hadaan wada joogno oo macaanka sheekada isu miiseyno maxaa inoo dhiman

 

Qadar:

Macaanto waa ku baryaa I faham nafteyda waa ay ku tabeysaa

 

Samiira:

Qadar wax ii sheeg hadalkaaga waadax maaha

 

Qadar:

Macaanto waxaan rabaa in nafteyda aan wehel kaaga dhigo gacantaadana aad ii dhiibto caawa waxaan rabaa wadiiqadii guusha nolosheena na geyn laheyd inaan jeexno nafta waa ay ku aamintay adigeyna rafiiq kaa yeelatay ee guurkayga ma aqbaaleysaa oo ma noqoneysaa xaaskaygii rumaad.

 

Samiira oo hadalkiisa aad ugu riyaaqday ayaa tiri

 

Samiira:

Macaane gabar walba waa ereyga ay mudo dhowrto in gayaankeeda uu ku yiraahdo in aan marwadaada ahaadana waa midaan kaa sugaayey mana jirto sabab aan kuu maanaco waan ogolahay.

 

Qadar:

Haddii ay sidaa tahay ka waran haddii aan reerkayga soo diro oo aan reerkaaga kaaga soo gogol galo.

 

Samiira:

Waa arrin fiican balse mid ayaa jirto

 

Qadar:

Maxay tahay macaanto ma arrin nagu gudbn ayaa jirto

 

Samiira:

Wax cabsi leh maaha aniga waan ku ogolahay waana hubaal in reerkayga ay ku aqbali doonaan laakiin waa waxbarashadeyda.

 

Qadar:

Ma taas ayaa dhib leh subax kasta aniga ayaa jaamacada ku geynayo hadaad doontane baabuur Ayaan kuu iibinaa waana kaxeyn kartaa taasi nama xereyso guurka kadib aniga iyo qoyskayga ma diideyno waxbarashadaada maxaa kale.

 

Samiira:

Macaane aniga 6 bilood oo kaliya ayaa ka harsan jaamacadeyda waxaana rabaa in labo farxadood aan sanadkaas u dabaaldego waa mida qalinjebiteyda iyo Guurkayga.

 

Qadar:

Oo kaalay Samiira maalmo kale oo keli noolaanshaa miyaa noo direysaa sidaa ha yeelin macaanto.

 

Samiira:

Macaane waan kula dareemayaa sidoo kale nolosha keli ahaanshaha dhibkeeda waan kula qabaa laakiin waa iga codsi macaane ii ogolow in aan waxbarashadeyda aan soo idleeyo ma rabo in labado nolol aan isku qaso macaane maalintaan xaaskaaga noqdo nolosha wax kale in aan kaaga mashquulo ma rabo adiga oo kaliya in aan kaa fikiro ku koolkooliyo farxada kugu ilaaliyo oo sidii reer boqor.

 

Qadar:

Ma aqaan waxaan ku dhaho warkaaga waa uu ila weyn yahay mana diidi laro laakiin ogow maaonta xaflada qalin jebinta soo idleyso in aan reerkayga soo dirayo.

 

Samiira:

Maasha allah Macaane waan ku jeclahay nafta aan sido waa mid kugu lamaanan xagayga diyaar Ayaan ka ahay maalintaa.

 

Qadar:

Naf ku jecel Ayaan ahay maxaan kaa diidi karaa

 

Samiira:

Anigaba sidoo kale macaane maalin wacan qeyr leh meherkeena illaah ha ka yeelo

 

Qadar:

Aamiin macaanto aniga waa kaa sii tagayaa kolay balan waan dhiganay yeysan xagaaga ka dheelin

 

Samiira:

Ha ka cabsan macaane

 

Sidii ayaa lagu kala tagay Samiira hooyadeed ayaa aheyd saaxiibta dhabta ah ee ay leedahay isla habeenkii ayay u sheegtay sheekadii dhex martay iyada iyo Qadar go’aanka ay meel dhigteen Hooyo Farxiya laf ahaanteyda waa ay ku raacday gabadheeda in jaamacada ay soo idleyso markaas kadib ay ka fikirto nolosha guurkeeda.

 

Waa xilli maqrib ah Mursal waxa uu ku sugan goob hotel ah maqaayadeeda oo uu koox asxaabtiisa ah uu ku sugayaa wuxuuse si lama filaan ah indhahiisa ku qabteen Yaasiin oo markii uu xaqiiqday inuu isaga yahay xagiisa u aaday markii uu dul tagay ayaa uu ku ku yiri.

 

Mursal:

I waran Yaasiin ma fiican tahay

 

Yaasiin:

Fiican walaal waan kuu fiican nahay

 

Mursal:

Waxaan filayaa in aadan I aqoon mise waad I fahamsan tahay

 

Yaasiin:

Ninyahow waa runtaa maba ku fahamsani ee isu kaaya sheeg

 

Mursal:

Waxaan ahay wiil habeen lagugu aray guriga Falis reerkeeda sidoo kale waxaa ii dhaxdo oo xaaskayga ah Falis walasheed Yaasmiin.

 

Yaasiin:

Haa iminkaa ku gartay balse magacaaga ma haayo

 

Mursal:

Magaceyga waa Mursal ee ka waran Falis xaalkeeda sow ma naabad qabto

 

Yaasiin:

Maxaa jira adiga sow reerka kama warantid waxaana I leedahay gabar Ayaan reerka ka qabaa.

 

Mursal:

Kuma fahmin

Yaasiin:

Aniga iyo Falis bil ka hor Ayaan kala tagnay sow xaafadooda ma joogto mise adiga Ayaan reerka xaririn.

 

Mursal:

Uma maleynayo maxaa yeeelay Yaasmiin waa aii sheegi laheyd

 

Yaasiin:

Kolay aniga ma fahamsani Falis waan kala tagtay waana soo baxday waxaan filaayey in reerkeeda ay ku noqon doonto ma fahamtay

 

Mursal:

Dhib malaha aniga ayaa xaaskayga weydiin doono

 

Yaasiin:

Haye walaal waan kaa sii tagayaa hoolka hotelka lagu qabanayo Ayaan ka casuuman nahay qeyraa kuu rajeeyey.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com