Mursal isaga oo yaaban ayaa uu fadhigiisa ku soo laabtay in cabaar ah markii uu la sheekeyey asxaabtiisa ayaa uu ku yiri xaafada Ayaan aadayaa markii uu xaaafadiisa Yimid ayaa uu u soo galay xaaskiisa oo film daawaneyso waxa uuna ku yiri.

 

Mursal:

Yaasmiiney caawa waxaan soo arkay Yaasiin

 

Yaasmiin:

Maxaad Falis xaalkeeda u weydiin weyday

 

Mursal:

Arrin aan sina u qaadan waayey ayaa uu ii sheegay

 

Yaasmiin:

Maxay tahay waxa aad qaadan kari weyday ma Falis ayay wax daran ku dhaceen

 

Mursal:

Ma aqaan waxaan ku dhaho

 

Yaasmiin:

Mursal macaane waad I cabsi gelineysaa waa ku baryaa ii sheeg

 

Mursal:

Waxa uu igu yiri mudo bil ka hor Ayaan kala tagtay mana aqaan meesha ay jirto adiga reerka goormee kugu dambeysay

 

Yaasmiin:

Hooyo labo maalin ka hor yay ii timid waana ii sheegi laheyd

 

Mursal:

Sow lagama yaabo in ay ilowday

 

Yaasmiin:

Maya macaane xataa haddii aysan hooyo ii sheegin ma aaminsani Falis oo guriga timid ayaa aniga iga maqnaaneyso

 

Mursal:

Hadda halkee aadi kartaa

 

Yaasmiin:

Cidaan Sureer aheyn ma jirto telefoonka ii soo qabo Sureer Ayaan wacayaa

 

Mursal:

Maya ha wicin waa intaa aysan kuu sheegin ka fikir qof mudo bil ah la joogto oo aysan kuu sheegin sow lagama yaabo in ay kaa sii qariso ka waran haddii aad u tagto.

 

Yaasmiin:

Waa runtaa macaane beri Ayaan aadayaa

 

Mursal:

Aniga ayaa ku kaxeynayo xaafadeeda waa halkee

 

Yaasmiin:

Aad ayay u fog tahay waa xaafad dhawaahaaan la degay oo OODWEYNE la yiraahdo

 

Mursal:

Dhib malaha aniga ayaa ku kaxeynayo laakiin Falis maxay sidaan u yeeshay furiin miyaa ceeb ah gabar kasta oo la furo reerkeeda ayay ku soo laabataa.

 

Yaasmiin:

Cidaan Qadar aheyn oo ay dartiis nooga maqan tahay ma jirto ileyn isaga ayaa hore ugu xaaraamtimeeyey reerkaan Falisna waa aqaan waa ay madax adag tahay.

 

Mursal:

Dhib malaha beri Ayaan u tageynaa oo aan soo arkeynaa waxa ay qabto ee ilaa aan ka aragno cida qof ka mid ah ha u sheegin.

 

Yaasmiin:

Haa waa saas cidna kalama hadlaayo

 

Sidii ayaa habeenkii lagu balamay in beri barqadii uu soo fasax qaado Mursal isla markaana uu Yaasmiin u kaxeeyo xaafada lagu tuhmayey Samiira si loo soo kala xaqiijiyo in ay joogto iyo in kale.

 

Mursal oo ahaa cida kaliya ee aad u deg-degeysay ayaa markii saacadii la gaaray u yimid Yaasmiin oo xagii xaafadii Yaasmiin u kaxeeyey xaafada oo aheyd mid aad u fog ugu dambeyn waa ay gaareen Yaasmiin oo guriga ku hormartay ayaa gabar yar oo daarada guriga fadhisa ku tiri.

 

Yaasmiin:

Yariisey Sureer ma joogtaa

 

Gabadhii:

Waa ay jiiftaa

 

Yaasmiin:

Oo maxay xilligaan la jiiftaa miyey xanuunsan tahay

 

Gabadhii:

Ma xanuunsane ee xalay ayay shaqo laheyd ma fahamtay

 

Yaasmiin:

Falis ma joogtaa iyada

 

Gabadhii:

Falis yarey miyaa

 

Yaasmiin oo garatay in ay ka hadlayso gabadha yar ee Sureer ee Fali hore loogu samiyey ayaa ku tiri.

 

Yaasmiin:

Maya Falis weynay ma joogto miyaa

 

Gabadhii:

Haa Falis warsame sow maaha qolkaas ayay ku jirtaa

 

Yaasmiin:

Miyey hurudaa

Gabadhii:

Maya filim ayay firsaneysaa.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com