Waa xilli galab ah Falis xaafada Yaasmiin ma joogin waxa ay ku maqneyd xaafada Sureer oo ay maalintaa qado lagu casuumay maadaama Sureer ay ku jirtay maalmihii fasaxeeda.

Waxaana si lama filaan ah u timid Hooyo Maryan oo ah Falis hooyadeed oo muda aan Yaasmiin u imaan maantana ka wardoontay gabadheeda Yaasmiin oo xilliga dhalmadeeda uu soo dhawaaday ayay dooneysay in ay kala hadasho in xageeda loo soo wareejiyo waxana markii ay timid dhex martay doodaan.

 

Yaasmiin:

Maasha Allah Mama saaka ilaa hadda ayaa qalbiga kugu haayey waana ii timid

 

Hooyo Maryan:

Maasha Allah hooyo fiican ma ihi kuguma aan soo laaban

 

Yaasmiin:

Maya Hooyo sidaa ha dhihin waan fahmi karaa masuuliyada adag ee ku heysato gurigaan ogaa ayaa ku keliyoody Farxiya iyo Fartuun xilligii waxbrashadooda ugu adeeg ayay ku jiraan.

Hooyo Maryan:

Waa sidaas sheegtay Hooyo howl aan aniga isku habeyn ma toosto ee adiga caafimaadkaaga ka waran.

 

Yaasmiin:

Waan fiican nahay maama alxamdullaahi

 

Hooyo Maryan:

Xilligaagana waa uu soo dhawaaday aniga waxaan rabaa in aan xagayga kuu wareejiyo ileyn gabar ugub ah hooyadeed ayay ku ag dhashaa.

 

Yaasmiin:

Laakiin Hooyo aniga wax igama halaysna halkaan waan ku dhali karaa oo gabar Shaqaalo ayaa ii joogto Mursalna waa joogaa oo mudooyinkaan inuu safreynin ayaa uu ii sheegay.

 

Hooyo Maryan:

Waxaas oo idil iguma socdaan gabadheydiyee xagayga in aan ku geeyo oo aan dhinacaaga jiifo Ayaan ku qalbi sanahay Mursal aniga ayaa la hadlaayo oo ilaa uu yimaado kama tagayo manta.

 

Yaasmiin:

Hooyo Mursal isaga arrintan waxba kalama socda laakiin aniga ayaa raba in aan halkaan ku dhalo.

 

Hooyo Maryan:

Waa yaab ma gurigaad ku soo barbaartay ayaa diidan tahay in aad ku umusho haa iminkaan gartay weli ma waxaad u xanaaqsan tahay Qadar oo ma sidaa ayaa ku diideysaa.

 

Yaasmiin:

Maya Hooyo macaan ma grugiaas Ayaan nici karaa waa nolosheyda meeshii ay ka soo hana qaaday waa gurigii aan la iga dareensiin in aan Rajo ahay hooyo waa ku baryaa sidaa ha dhihin.

 

Hooyo Maryan:

Waa yahaee maxay tahay sababta aad ku diidan tahay in aad I raacdo oo aad xagayga aad ku umusho waxaad dareemayaa in ay arrin kale ay jirto ii sheeg yey ku saabsan kolay Mursal inuusan aheyn Ayaan dareemayaa waayo cida kale ku leh halkaan ku umul.

 

Yaasmiin: 

Hooyo qofna ima oran laakiin aniga ayaa jecleystay

 

Hooyo Maryan:

Aniga sabab aan ku qanci kari ayaa rabaa oo aan kugu daayo ma fahamtay wax uun ii sheeg

 

Yaasmiin:

Hooyo maxaad ugu adkeysaneysaa

 

Hooyo Maryan:

Ma doonayo in aan ku dayaco haddii aadan xageyga ku umuleynin waa in aan ogaadaa cida aan kugu haleynayo.

Yaasmiin:

Hooyo qoftaas aniga ayaa doortay waana qof aan ku kalsoon nahay waa ku baryaa hana I weydiin cida ay tahay.

 

Hooyo Maryan:

Mar hadaad adiga ku kalsoonaatay aniga waa in aan la dardaarmaa ma fahamtay waana qasab in aan la kulmo ii sheeg waa tuma cida ad iga kalsooni badan tahay.

 

Yaasmiin:

Hooyo sidaa oo dhan xaalka uma jiro mana aha qof aan sheegi karo

 

Hooyo Maryan:

Waaba mida shakiga I gelineyso oo aan warkaada ugu kalsoonaan Karin

 

Yaasmiin:

Hooyo ma anigaa weligey been kuu sheegay

 

Hooyo Maryan:

Laakiin manta ayaad wax iga qarineysaa oo aadan igu kalsoonaan la dahay maxay tahay sababta qoftaas loo qarinayo mise waa Falis haye sow Falis maaha haaaa iyadaa ku tiri aniga ayaa ku umul bixinayo reerkaas iska fogee  sida aan isaga fogeeyey oo kale iminkaan ku gartay Yaasmiin cidaan Falis aheyn arrintaan kama dambeyso laakiin mid ogow Falis aniga oo hooyadeed ah oo 9 bilood culeyskeeda xamilay dunidaan keenay ayay I ilaawaday haye warkeeda qaadatayee adiga na ilow.

 

Markiiba waa ay istaagtay Hooyo Maryan oo damacday in ay baxdo balse Yaasmiin ayaa isku dubtay oo ku dul ooysay iyada oo leh

Yaasmiin:

Maama waa ku baryaa sidaa ha dhihin aniga marnaba lagama yaabo in aan ku caasiyo

 

Hooyo Maryan:

Maxaad ii sheegeysaa hadda

 

Yaasmiin:

Hooyo soo fadhiiso midna ii balanqaad arrintaan in aadan cidna u sheegi doonin waliba Qadar iyo Aabe waana mid quseysa Falis waa ku baryaa ii balanqaad.

 

Hooyo Maryan:

Ii sheeg Falis maxaa ku dhacay

 

Yaasmiin:

Ii balanqaad hooyo waa balan I dheh

 

Hooyo maryan oo markaan dareen galay ayaa cod degan ku titi

 

Hooyo Maryan:

Waa balan Hooyo maxaa helay Falis

 

Yaasmiin:

Hooyo Falis waa ay kala tageen ninkii xumaa ee dartiis loo deyriyey hadana anig ayaa ay ila nooshahay oo ka soo kaxeeyey xaafadii Sureer oo ay joogtay waxaana ka balanqaaday in reerka ayasan arrinteeda ogaan doonin waana iyada cida I ogaaneyso.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com