Hooyo Maryan oo in cabaar ah aamusneyd ayaa tiri  Hooyo Maryan:  Maxaa jira Falis xataa ma ii quuri weyday hooyo ninkii waa kala tagtay hadda walaashay Ayaan la joogaa runtii Falis in aan hooyadeed ahay waa ay ilaawday.

Falis oo illinka taagneyd hadalkooda wax badan la socotay ayaa la soo booday

Falis:

Hooyo kuma ilaawin mana dhaceyso in aan ku ilaawo laakiin in aan ku ilaawo ayaa la igu qasbay Qadarna reerka waa uu iga xigsaday waana iga saaray idinka waad ku raacdeen sax Hooyo.

 

Hooyo Maryan oo fadhisay ayaa u istaagtay mudo kadib markii ay indhaheeda qabteen gabadhii curadeeda ahayd ee Falis mar kaliya ayaa la isku booday oo cid kasta calaancashay waa ku jeclahay sow hooyadaa ma ihi maxay ku dhacay in aad I ilaawdo Maya hooyo ma anaa ku ilaawi kara Qadar ayaa reerka iga saaray cabsi ayaana la maqnaa.

 

Hooyo Maryan:

Qalbigayga ayaa I lahaa maalin ayaaa ay gabadhaada kaa soo hor bixi doontaa manta illaaha waa uu na kulmiyey ma cid iga kaa fogey karta ayaa jirta mana dhaceyso inaad iga fogaato Qadar inta uu reerka ku leeyahay ayaad ku leedahay inaad soo laabatay cid laga qarinayo ma jirto gabar kasta marka la furo reerkeeda ayay ku soo laabataa Hooyo aniga maalina kuuma xanaaqin waxqalad ah ma sameyn gayaankaaga ayaad xulatay.

 

Falis:

Waan hubay Hooyo in qalbigaaga ii caroon doonin laakiin Maama aniga ayaaba dooneynin in aad Qadar hortago waxbana xaalkayga ha u sheegin Maama.

 

 

Hooyo Maryan:

Side Hooyo Ma Qadar ayaa igaa maanici kara waa maya maxay sababta aad kaga dhuumaneyso.

 

Falis:

Sidaa Maaha Hooyo maalintaa hadalkii la igula hadlay waxa uu ahaa in aan reerkaan dib dambe u soo sheeganin xaalada kasta aan u soo raadsan marka waa ku baryaa Hooyo reerka adiga iyo Yaasmiin ayaa idinku lahaa hadana cabsi Ayaan idinkala maqnaa waa ku baryaa sidaan igu daa oo xaalkayga waxba hakala hadlin xataa Aabe.

 

Hooyo Maryan:

Maxaa sidaan u leedahay waa aabahaa masuuliyadaada ayaa saran ma aha in aan ka qarino hooyo guurka mid guuleysta iyo mid guuldareysta waa uu yahay furiinka kalmad xun ha ka dhigin.

 

Yaasmiin:

Falis aniga warka hooyo waan ku raacsan nahay ee ha diidan

 

Falis:

Maya Yaaska ma rabo qof baahi keentay inuu ii arko Qadar aabahayna xushmad Ayaan kala mudan nahay waa I soo koray waxna waa ii soo baray mana rabo in culeyskeyga in aan u celiyo waa illaaha mahadiis haddiba manta aniga oo cunug wata oo caanahiisa aan u doonaneynin.

Hooyo Maryan:

Falisey Hooyo waa fogaaday ma owlaadaada Ayaan waxaan ku tarno ayaa baryo ah

 

Falis:

Hoooyo waa la ii fogeeyey ma ogtahay aniga in aan xataa guur aan ku fikirin ee cabsida reerka aan ka qabo dartii aan ninka u raacay ileyn wado kale iima furneyn.

 

Hooyo Maryan:

Taas anaaba hore ugu sheegay aabaha iyo Qadar laakiin hadda waxaad adiga jeceshahay Ayaan sameynayaa mana laga yaabo in arrimahaaga aan ka hadlo waxaana ku faraxsan nahay in aad walashaa la noolaado inshaah allah Qeyr Ayaan idiin dhaafay walaashaana ogow.

 

Falis:

Hooyo aad Ayaan kuu jeclahay

 

Hooyo Maryan:

Sidoo kale Maama

 

Sidii ayaa lagu sagootiyey Hooyo Maryan oo xilligaa baabuurkii xaafada u qaadi lahaa uu banaanka u tagtaa Saalaxey ayaa uu ahaa cida qaadeysay oo ay Qadar saaxiibo ahaayeen hadana ma dhicin inuu Falis arko maxaa yeelay Yaasmiin oo kaliya ayaa ilaa baabuurka geysay.

 

 Hooyo Maryan xataa haddii ay ku laabatay xaafadeeda ma dhicin in odoygeeda iyo Qadarba ay kala hadasho arrinta Falis oo sidaa balantu aheyd xilligii cashada kadib ayay Qadar iyo waalidkii ay ku kulmeen qolka Fadhiga waxana hadalkii Furay Qadar oo ku yiri.

 

Qadar:

Hooyo iyo Aabe waxaan filayaa in marar badan aad wax iga weydiiseen arrimahayga xagga guurka oo la igu oran jiray gabar keenso ama aan kuu keeno waa tii isu kaaya dambeysay in aan gabar keensanayo marka hadda gabadhii waan is afgaranay wax walba waan isla go’aaminay.

 

Hooyo Maryan:

Maasha Allah wiilkayga caawa qabar ka wanagsan oo aan maqli lahaa ma jiro

 

Aabe Warsame:

Gabadha reerkeeda miyaan garanayaa ma hablaha xaafada mise waa xaafad kale

 

Qadar:

Gabadha hablaha xaafada maaha waa xaafad kale aabaheed waa professor jaamacadeed sidoo kale Hooyadeedna waa Jimiciyad kale waa reer xushmad iyo sharaf bulshada ku dheh leh.

 

Aabe Warsame:

Maasha allah hadda maxaad ku heshiiseen

 

Qadar:

Aabe gabadha sanadkaan ayaa ay jaamacada dhameyneysaa markii ay soo idleysana waxaan ku balanay in guurkeena uu dhaco waa intaas.

 

Aabe Warsame:

Hadda Qadaroo hablaha manta waa kuwa iyaga is bixiya oo wiilka ay guursanayna la heshiiya maxay kula heshiisay oo ay kaa filaneysaa.

 

Hooyo Maryan:

Haa wiilhaygiyow hablaha manta qarashaad ayay wiilka ay guursanayo kula heshiisaa maxay ku tiri oo ay iyada kaa dalbatay.

 

Qadar:

Waxaan ka baqayaa haddii aan idiin sheego in waxa aan sheegayo aad been u qaadataan

 

Aabe Warsame:

Oo Sideena maxay dalbatay

 

Qadar:

Aabe Samiira qoys ladan ayay ka dhalatay waxna igama codsan markii aan weydiiyeyna waxa ay igu tiri waxaan kaa mudan nahay igu soor si kasta waa ay iga diiday in ay dalab dhiibato aniga oo og in aan bixin lahaa haddana ma dhicin Aabe.

 

Hooyo Maryan:

Xagga aqalgalka maxay tiri micnaha guriga aad ku aqal galaysaan ma reerkay la noolaaneysaa mise guri gooni ayay kaa dalbatay.

 

Qadar:

Maya Hoooyo guri gooni ma dalban waxa ay igu tiri waalidkaa Ayaan la noolaaneynaa maadaama iminkaba aan waalidiinteena la nool nahay.

Aabe Warsame:

Gabadhaas waxaan oran lahaa adduunyo kale ayay ka timid hablahaa manta waxa ugu horeeya ay ka fikiraan ayaa ah guri gooni i deji hooyadaa ha ii dhaweyn marka tan maxaan dhahnaa Xaajiyo.

 

Hooyo Maryan:

Waa gabar tarbiyad wanaagsan ay reerkeeda siiyeen waan hubay Qadar inuu dooq wanaagsan la imaan doono Hooyo illaaha ha isu kaaya simo.

 

Qadar:

Aamiin Maama

 

Aabe Warsame:

Hadda ma doonaa gabadha oo reerkeeda ma kaga gogol fadhisanaa mise waan sugnaa kolay 2 bilood oo kaliya ayaa ka harsan xilliga waxbarashada soo idlaaneyso.

 

Qadar:

Aniga waxaa ila wanagsan in aan sugno oo xilligaas aan u tagno

 

Hooyo Maryan:

Qadaroo hooyo aniga waxaan rabaa in Samiira aan barto maba sugi karo ilaa xilligaas

 

Qadar:

Wallow xilligaan ay aad u mashquulsan tahay waan u sheegayaa Hooyo

 

Sidii ayaa lagu heshiiyey in xilliga jaamacada ay soo idleyso laga doono reerkeeda Qadar sheekadii uu habeenkaa reerkiisa la qaaday markii uu qolkiisa tagay durbadiiba waxa u sheegay Samiira oo aad ugu faraxday in reerka Qadar ay durbadiiba la dhaceyn waxayna macaankeeda u sheegtay in reerka uu iyada la weyn yahay noloshana ay tahay mid u baahan in reerka uu isku duubnaado waana sababta aysan u dooneynin in ay ka dhax baxdo.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

HALKAN GASHO