Falis xaafadii Yaasmiin ayay ku nooleyd haddana ma aysan aheyn mid faraxsan waxayna xilli kasta ka cabsi qabtay aabaheed ama Qadar uu mar uu arko waxay inta badan ku qaadan jirtay qolkeeda waxaana saaka xilligii quraacda kadib u soo gashay Yaasmiin waxaana dhexmartay sheekadaan.

 

Yaasmiin:

Falisey xaafadeyda maba ku faraxsan Ayaan filayaa

 

Falis:

Maxaad sidaas u leedahay ma ogtahay in aysan jirin qof qalbigayga aad ugu dhowdahay

 

Yaasmiin:

Waxaan kugu aqiin furfurnaansho hadana waadigaan noqday gabar xerxeran waxna ha u arkin nolosha mar kasta si bey kuu soo martaa nolol aad ka filaneysid farxad badan ayaana ku arkeynin nolosha waa u Samir Falisey.

 

Falis:

Waa sidaas Yaaska aniga noloshaan sawirtay ma aanan helin waaxaanse adiga kuu rajeynayaa farxad aan kaa dhamaan.

 

Yaasmiin:

Ma aqaan waxaan ku dhaho laf ahaanteyda Mursal jaceylkaan ka filaayey kama helin

 

Falis oo jiiftay ayaa markii ay hadalkaas maqashay soo fadhiisatay ayaa tiri

 

Falis:

Maxaad I dhahaday Yaaska Mursal jaceyl kama helin waa igu cayaareysaa ma Mursal ayaa meel kaa aada ma aqaan waxaad jaceylka u taqaan.

 

Yaasmiin inta ay dhoolacadeysay ayay ku tiri

 

Yaasmiin:

Yaasmiiney adiga ayaa ahaa cidii aniga iyo Mursal xiriirkeena u bud dhigay aniga ayaa uu dareenka markii hore xagayga ka yimid ma ogtahay in Mursal uu abidkii uusan I oran waan ku jecalahay taa maxaa ku sifeyn laheyd.

 

Falis:

Adiga maxaad is leedahay oo aad u dareentay

 

Yaasmiin:

Mursal waxa inoo dhaxeysa qadarin oo kaliya aad ayaa uu ii xushmeeyaa mana rabo dareenkii xagayga ahaa ee aad u sheegtay inuu dhaawaco waana xushmada uu ii haayaa.

 

Falis:

Ma waxaad is leedahay qof kale ayaa uu jecel yahay

 

Yaasmiin:

Haa

 

Falis:

Side ku ogaaday ma adiga ayaa arkay isaga oo la hadlaayo mise isaga ayaaba kaaga sheekeeyey ii sheeg side ku dhihi kartaa cid kale ayaa uu dareen u hayaa.

 

Yaasmiin:

Falisey mid aan ku xasuusiyo Mursal iyo aniga guurkeeda mid la isku qasbay ayaa uu ahaa teeda kale haddii uusan Mursal jaceyl kale laheyn guurka kadib ayaa uu i jeclaan lahaa ma fahamtay ilaa iyo hadda waxa aad arkeyso waa xushmad oo kaliya weliba xilligaan oo aan xaamilo ahay uurkayga ka hor Mursal maba ii qiimeyn jirin waxba xataa ima su’aali jirin sidii inuu ijaaar guriga ugu jiro ayaa uu u soo gali jiray uguna bixi jiray.

 

Falis:

Walaahi waa yaab waa arrin aan aad ula tacajabay Aadaney ma arkee isaga aaway

 

Yaasmiin:

Adam waxa uu u wareegtay hargeysa halkaas ayaa uu ka shaqeeyaa

 

Falis:

Waan hubaa Adam wax badan waa ka ogyahay saaxiibkii

 

Yaasmiin:

Waa hubaal taa

Falis:

Yey noqon kartaa gabadhaas haddii uu cid kale jecel yahay adiga uu xushmad kuu haayo oo uusan dooneynin inuu ku xumeeyo hadda waa nin rag ah 4 ayaa Illaah u baneeyey muxuu u guursan waayey.

 

Yaasmiin:

Aniga mid Ayaan isku sheegay in gabadha aysan iyada jecleyn ama xataa la qabo

 

Falis:

Ma naag la qabo ayaa uu reerkiisa u burburinayaa

 

Yaasmiin:

Hadda ma isagaa u burburinayo inuu qalbigiisa ii furo ayaa uu kari la’yahay oo kaliya.

 

Falis:

Wallaahi waa arrin la yaab igu ah ma aqaan sidaan u sifeeyo.

 

Iyada oo sheekada aan weli la soo gunaanidin ayaa Yaasmiin xagga Jikada looga yeeray Falis oo goobta ku hartay ayaa wax badan is weydiineysay iyada oo la yaaban haddii Mursal uu gabar jeclaa markii aan u sheegay in Yaasmiin ay ka heshay muxuu u ogolaaday inuu sheeko la wadaag la noqdo isaga oo waliba oran karo waa walaashay waa yaab ayay ku jirtay maalintii oo dhan haddana xushmad ayay u heysay oo ma dooneynin in ay weydiiso maadaama uu dumaashigeed ahaa gurigiisana ay ku nooshahay in ay arrimahaas kala hadasho.

 

Qadar dalabkii hooyadiis ayaa uu kala hadlay Samiira waxaana dhexmartay sheekadaan

 

Qadar:

Ma ogtahay in Hooyo Maryan ay doo neyso in ay ku barato

 

Samiira oo ka naxday ayaa tiri

 

Samiira:

Ma anigey dooneysaa in ay I aragto laakiin side

 

Qadar:

Barasho uun wax kale ma aha

 

Samiira:

Ka waran markii ay I aragto haddii ay igu qanci weydo

 

Qadar:

Kulankaba sidaa maaha ee waxay dooneysaa in ay ku barato micnaha waa ay kaa heshay

 

Samiira:

Walaahi waa cabsaday Qalbigii Qadar haddii aad ku guuleysatay ma hooyadaa kuu dhiman ayaa is lahaa.

 

Qadar:

Haye fursadaada ka waran

 

Samiira:

Walaahi ma aqaan waxaanse ogahay in hooyo ay taa igu diideyso mana aqaan sifo aan guriga kaga soo bixi karo maxaa yeelay jaamacada aabe ayaa I geeya igana keena.

 

Qadar:

Aniga dartey mar uun hooyo been uma sheegi kartid

 

Samiira:

Taa weligey kuma fikirin laakiin adiga dartaa ayaan u fiirinayaa anigaase kuu soo sheegayo xilliga inshah allah.

 

Sidii ayaa la isku raacay Samiirana ay markii ugu horeysay ay ku fikireysaa in ay been u sheegto hooyadeed si ay ula kulanto Sodohdeeda mustaqbalka.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

HALKAN GASHO