Waa salaadii kadib maqrib kadib Falis waxa ay ku jirtay qolka Tvga yaal oo waxa ay daawaneysay filim taxane ah oo ay la socotay waxaana u yeertay Aamow oo ku tiri Yaasmiin ayaa ku waceyso Falis markii ay daashka guriga ay timid ayaa loo sheegay in ay musqusha ay ku jirto markiibana dareen ayaa galay oo ay ku tiri.

 

Falis:

Yaaska dhib maa jira maxaa kugu dhacay Yaaska

 

Yaasmiin oo deganaan ka muuqato ayaa tiri

 

Yaasmiin:

Soo gal Falis waxba ma jiraan

 

Falis:

Maxaad musqusha igu sheegi rabtaa

 

Yaasmiin:

Horta soo gal oo arag dhiigaan iga yimid

 

Falis markii ay dhiiga dhulka yaal oo aad u badnaa ayay tiri

 

Falis:

Dhiig aa waa in aan isbitaalka ku geeyaa soo bax

 

Yaasmiin:

I maqal aniga wax xanuun ah ma dareemayo waana markii ugu horeysay bal aan sugno mar kale

 

Falis:

Laakiin haddii aad Qatar gashana

 

Yaasmiin:

Ma filaayo aniga todobo bilood oo kaliya Ayaan ku jiraa marka cabsi ma jirto malaha ilmaha ayaa iska soo neefsaday oo kaliya.

 

Markiiba qolkii Falis ayay ku soo wada noqdeen Falis ayaa weli xaalad cabsi ah ku jirtay go’aansatayna in ay arrintaan Mursal u sheegto marka uu yimaado.

 

Ilaa uu Mursal yimaado Yaasmiin dhowr jeer ayay musqusha tagtay tanina Falis ay cabsida ku sii xoojineysay Yaasmiin waxa ay laheyd waxba ma jiraan balse Falis go’aankeedii ayay ka mira dhalisay oo ay Mursal u sheegtay waxa ay aragtay markiibana Yaasmiin inta uu u tagay ayaa uu ku yiri waa in aan isbitaalka tagnaa si xaalkaada loo ogaado wallow Yaasmiin diidaneyd arrinta ka dhigeysa waxaan dhib badan laheyn haddan waa lagu qasbay.

Waxana durbadiiba la geeyey isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Xanaano kadib markii uu dhaqtarkii habeenkaa shaqada lahaa la kulmay ayaa uu u sheegay waa in ugu horaan la helaa 500cc oo dhiig ah si loo soo celiyo dhigii ay lumisay waxaana nasiib wanaag dhiga u shubay Mursal oo ay isku dhiig noqdeen waxaana Mursal iyo Falis loo sheegay in ilaa beri haddii uu dhiiga istaagi waayo in qaliin lagu sameyn doono si loo kala badbaadiyo Hooyada iyo cunuga.

 

Yaasmiin waxa ay aheyd bukaanka kaliya ee caawa isbitalka jiifa ee xaaladeeda ay Qatar ku jirtay waana mida uu dhaqtarka u dul taagnaa mar kasta dhigii la filaayey inuu is celin doono ayaa noqdday markaan mid xergaha goosta waxaana lagu amray in ay soo diyaariyaan ilaa labo ruux oo dhiig laga shubo sidoo kalana bukaanka ay qasab tahay in la qalo Falis markii ay intii maqashay ayay aad ugu naxday iyada oo aan is ogeyna markiiba hooyadeed wacday oo ay ku tiri.

 

Falis:

Hooyo Hooyo Yaasmiin

 

Hooyo Maryan oo hadalka Falis aad ugu naxday ayaa ku tiri

 

Hooyo Maryan:

Falis hooyo is deji maxaa ku dhacay Yaasmiin si degan igu sheeg intee joogtaa

 

Falis:

Hooyo isbitaalka xanaano Ayaan joognaa Yaaska xaaladeeda ma wanaagsana in  qaliin ay geleyso Ayaa naloo sheegay dhiig ayaa ka socda Hooyo noo imaaw dhiig cid u shubtana waala rabaa oo iminka Mursal ayaa u miiray mid kalena waa loo baahan yahay Hooyo noo imaaw aniga ma aqaan waxaan sameeyo.

 

Hooyo Maryan:

Is deji xabiibti waan kuu imaanayaa wax walba waa hagaagayaan ka waran Yaasmiin side tahay hadda

 

Falis:

Ma aqaan Hooyo qol gooni ayaa la dhigay laakiin Hooyo dhiig badan ayaa ka socda soo dhaqsada Hooyo.

 

Hooyo Maryan markiiba Aabe Warsame ayay u tagtay una sheegtay waxaana halkii ka soo baxay Hooyo Maryan, Aabe Warsame iyo Qadar sidoo kale ayaa loo sheegay Yaasmiin Adeerkeed oo hore u soo kaxeeyey walaalaheed si cidii ku dhiig ah dhiig ugu shubto.

 

Labadii qolo mar kaliya ayay wada gaareen isbitaalka Mursal isaga Aamusnaan ayaa uu meel la fadhiyey waxaana mooday inuu ka argagaxay dhiigii badnaa ee xaaskiisa ka socday markii uu arkay.

 

Falis ayaa markii ay hoyadeed aragtay ku soo oroday oo inta ay isku duubtay ku tiri

 

Falis:

Hooyo Yasmiin waa liidataa waana nalaga celiyey in aan u galno

 

Hooyo Maryan:

Is deji Falis waxba ma halaabayo reerka oo dhan waa nimid noo sheeg maxaa hadda loo baahan yahay

 

Falis:

Dhaqtarka waxa uu na yiri qaliin ayaa lagu sameynayaa Mursal aamusnaan ayaa ka soo hartay ma aqaan waxa la rabo

 

Qadar oo goobta wax ka joogay ayaa markiiba abaaray dhaqtarkii oo weydiiyey waxa laga rabo waxaana loo soo sheeegay in qaliinka la diyaarinayo loona baahan yahay gabadha ninkeeda iyo waalidkeed ay saxiixaan Qadar markiiba warqada ayaa uu soo qaaday kana saxiixay Mursal iyo Yaasmiin adeerkeed dhamaan dhalintii joogtay u sheegay in ay baaritaan maraan si dhiiga loo baahan yahay u shubaan mar kalaiya ayay howsha u ekaaday mid isku duba dhacday.

Qalbigii kacsanaa ee Falis ku degay waxaana Yaasmiin durbadiiba loo qaaday qolkii qaliinka sidii lagu kala badbaadiyey iyada iyo cunugeeda waxaana loo sheegay in qaliinka uu dhamaaday cunuga la gelin doono Dhalo maadaama uu ka soo hormaray waqtigii dhalashadiisa Falis ayaa aheyd cida kaliya ee goobta ku sugan aan marna indhaheeda illinka ka dhamaan markii la yiri qof kaliya ayaa loo ogol yahay in ay soo gasho waa ka hormartay Mursal oo la doonayey inuu u galo Falis.

Markii gudaha loo fasaxay ayay soo aragtay Yaasmiin xaalad deganaan ah ku jirta ma aysan hadli Karin sidoo kale indhaha kalama furi Karin waxaana loo sheegay in weli ay ku jirto suntii qaliinka in cabaar ah kadib ayay dib ugu soo laabatay oo ay u sheegay dadkii banaanka fadhiyey Qadar ma uusan jecleysanin in uu goobta sii joogo mar haddii Yaasmiin loo sheegay in xaalkeeda u deganaa isaga iyo aabahiisna marnaba lama hadlin Falis waxayse la aheyd in xaaladaan ay ku timid.

 

Saacado kadib ayay indhaha kala furtay Yaasmiin oo ay horfadhiday walaasheed Falis oo markii ay aragtay ku tiri.

 

Yaasmiin:

Falis cunugeyga ma fiican yahay

 

Falis:

Yaaska Haa waa uu fiican yahay wiil ayaa dhashay

 

Yaasmiin:

In aan arko ayaa rabaa

 

Falis:

Ma filaayo in laguu ogolaanayo maxaa yeelay waa lagu qalay mana laguu ogolo in aad dhaqaaqdo

 

Falis waxa ay yeertay Hooyo Maryan oo ay sheegtay in ay indhaha kala furtay markii ay soo gashay ayay inta ay madaxa ka dhnkaday ayay ku tiri.

 

Hooyo Maryan:

Waa Illaah Mahadiis haddii aad indhaha furtay runtii waan kuu cabsanay

 

Yaasmiin:

Hooyo runta ii sheeg ilmo nool miyaan dhalay Falis waxa ay ii sheegeyso ma runbaa

 

Hooyo Maryan:

Hooyo Macaan Rabbi wiil qurux badan ayaa uu ku siiyey maadaama uusan bilo dhameys ahayen ayaa dhalo la geliyey xaaladiisana in ay fiican tahay ayaa na loo sheegay waad arkeysaa kaalay Falis dhaqtarka u sheeg in ay wiilkeeda aragto ayay rabtaa.

 

Falis:

Laakiin Hooyo saacado kaliya ayay qalan tahay sidaa sidey macquul ku tahay

 

Hooyo Maryan:

Ma iyadaa socon laheyn kursi ayaa lagu riixayaa

 

Yaasmiin:

Haa Falis kursi ii keen waa ku baryaa in aan cunugeyga arkaa rabaa waa intaa oo aan arki waayo

 

Falis:

Sidaa ha dhihim abaayo insha allah wiilkaaga waad dheel dheelin doontaa oo dhabtaada ayaa uu ku kori doonaa sidaa maaha Hooyo.

 

Hooyo Maryan:

Inshah Allah umushii is xambaarata illaaha ha idiinka yeelo

 

Falis markiiba dhaqtarkii ayay u sheegtay waxaana loo sheegay in ay soo arki Karto oo la geyn karo balse waxaa looga digay in ay wax badan taxadaraan oo gabadha la ilaalyo maadaama ay dhiig badan lumisay.

 

Sidii ayaa la yeelay waxaana Yaasmiin lagu riixay Kursi laguna geeyey wiilkeeda oo markii ay dhalada ka dhex aragtay mar kaliya ilimada soo dhaaftay waxa ay tiri wiilkeyga Maxamed ayaan u bixiyey Mursal oo aan ka fogeyn ayaa markiiba ku raacay oo yiri.

 

Mursal:

Waad kugu raacay waa curadkeena waana Maxamed

 

Falis:

Waaw Maasha Allah Maxamed Mursal waa magacu isku baxay illaahay midkii lagu najaxo ha ka yeelo

 

Hooyo Maryan:

Aaamiin Hooyadiisba ma dhib badneyn isaga sideeda ayaa uu ahaan doonaa inshah allah

 

Yaasmiin iyada weli sii rabta in ay daawata ayaa laga kaxeeyey oo loo sheegay in qolka aan loo ogoleyn in la sii joogo sidii ayaa lagu geeyey qolkeeda waxaana la isku raacay in dhamaan aan sibitaalka la wada joogin oo gelin gelin loo soo galay Falis oo iyada sheegtay in aysan marnaba ka tageynin Yaasmin ayaa ku hartay sidoo kalana waxaa kaloo loo reebay Caasho Kiin oo ilmo adeer la aheyd Yaasmiin labadooda ayaa looga yimid goobta dadkii kale waa iska soo baxeen.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com