Sidii ayaa isbitaalka weli loo taagan yahay cid baxday iyo cid wax ay degeen ma jirin waxaana Habeenadii saqdii dhexe loo sheegay in Yaasmiin ay Koomo gashay loona wareejin doono qolka xaalada degdega ah.

Qof walba ayay tani xaalad deganaansho la’aan ay dhigtay waxaana la istaagay illinka qolkii degdega ee Yaasmiin loo qaaday cid ka maqneydna ma jirin oo reerka ka tirsan waana loo wada duceynayey waxaana mar ay salaadii Subax ay soo dhaweyd reerka lagu wargeliyey in Yaasmiin ay geeriyootay.

Mar kaliya ayaa uu isbtaalka oo dhan Ooyin is qabsaday Falis iyada halkii loogu sheegay ayay ku dhacday oo lagu qaaday waxaana loo sheegay in ay meydka qaadan karaan balse wiilka yare ee Yaasmiin dhashay uu dhalada ku sii jiro doono usbuucyo.

 

Naf walba maalinteeda ayaa loo galbiyaa gurigeedii Rumaad Yaasmiin manta ayay aheyd maalintii ay aduunyada ka qaadan laheyd labadii maro ee cadeyd waxaana la geeyey xabaasheedii oo ay dhinaceeda dhulka dhigeen ninkeeda iyo Qadar oo ahaa walaalka ugu dhow ee ay laheyd.

 

Falis meel Yaasmiin lagu aasay oo ay ka warheysay ma jirin markii ay suuxdintii ay ka soo baxday waxaa loo sheegay in la aasay iyada oo ku qeylineysay ayaa yiri waa dhimatay horta mala xaqiijiyey armey weli Koomadii ku jirtay iyo hadalo badan waxaana loo sheegay in walaasheed ay dhimatay adduunyana ay intaas ku laheyd iyadnaa looga baahan yahay in dardaarankeedii ay oofiso Falis si kasta oo lala hadlo haddana waa adkeyd in ay maqasho waxaana ugu dambeyn la isku raacay in quraan la saaro si qalbi qabowjis ay kaga hesho.

 

Cidii ooyi karta ayaaba nasiib u laheyd Mursal xataa Ooyin waa laga waayey cod uu ku hadlo ma heyn waxaana ugu dambeyn soo gaartay Hooyadiis oo aysan mudo is arag taa oo ku wargeliyey Adam oo maqlay geerida Yaasmiin Hooyo Milko oo dalka Emiratka deganeyd ayaa markii geerida xaaska wiilkeeda loo sheegay ayaa durbadiiba soo raacday diyaaradii ugu horeysay.

Asxaab badan oo ay magaalada muqdishu ku laheyd ayaa ka soo kaxeeyey Airportka oo xaafadii wiilkeda geeyey Hooyo Milko waa ay ka naxday xaalka ay ugu timid wiilkeeda iyo sida uu geerida xaaskiisa ula murugoonayo.

Mursal waxaad moodaa markuu hooyadiis u timid inuu xoogaa ka soo fiicnaaday aamusnaantii uu maalmahaan ku jiray waxa kaliya ee uu hooyadiis kaga faaloon jiray maalmahaas waxa ay aheyd dabeecadii iyo noloshii ay ku jireen isaga xaaskiisa iyo sida ay maalmahaan dambe ay u ahaayeen kuwa hiigso wanaagsan ka lahaa nolosha balse geerida ayaa ah mid aan kula tashaneynin.

Naftana aysan dhaafeyn maalintii rabigey soo doonto Innaah Lillaah waa inaa ileyhi raajucuun Yaasmiin waxa ay aheyd qof cid kasta ay u duceyneysay afgaabni iyo xushmad ayaa ahaa mida kaliya ee lagu amaanayey Illaahay naxariis janno ha siiyee.

 

Tacsidii Yaasmiin ayaa weli loo fadhiyey murugta iyo tiiraanyadana weli ma dhamaan Falis waxa ay joogtay isbitaalka oo sidii loogu dardaarmay ayay ag fadhisay wiilka ay ka dhimatay Yaasmiin oo dhalo ku jiray ilmaha la qeyrka ah oo kale ma aheyn mid bilo dhameys ku dhashay oo isaga oo hooyadii aan nooleyn oo cid naaska u deysana aan adduunyada u joogin wallow Falis ay aheyd cida booskaas buuxin doonto oo looga fadhiyo in ay Maxamed Mursal ay hooyo u noqoto.

 

Samiira geerida Yaasmiin waa ay ogeyd haddana meel ay ka soo gaari kartay ma joogin oo waxa ay ku sugneyd magaalada Kampala ee dalka Yugand oo dalxiis aabaheed ugu kaxeeyey maadaama ay imtixaankii kama dambeysta Jaamacada ay ku guuleytay numberkii ugu sareeyey ee abid uu arday Jaamacada dhigta uu keeno waa mida aabaheed ugu abaal mariyey inuu dalxis dibada u kaxeeyo balse waxay awooday in Qadar telefoonka ugu tacsiyeyso geerida ku timid walaashiis.

 

Waa xilligii qadada waxaa qolka qadada ee guriga reer Warsame Cali ku sugan Qadar iyo Aabahiis oo ay hooyo Maryan u diyaarineyso waxaana hadalka furay Qadar oo yiri.

 

Qadar:

Aabe aniga mid Ayaan qabaa oo ila wanaagsan

 

Aabe Warsame:

Maxay tahay

 

Qadar:

Aniga waxaa ila qaldan in Falis ay heyso wiilka Yaasmiin taa marnaba ma ogoli waxaana rabaa in wiilkaas halkaan la keeno oo uu gurigaan uu ku koro

 

Hooyo Maryan:

Qadaroo ma aqaan naceybka daran ee aad Falis u qabto

 

Aabe Warsame:

Xaajiya fikirkaas anigaba waan la qabaa Qadar ileyn Falis reer ayaa naga qabo mana dooneyno in cunug inaga ah ay koriso waana raacsan nahay in halkaan la keeno.

 

Hooyo Maryan:

Hadda mid yeysan idiinka hoos bixin adiga iyo wiilkaaga Xaajiyow in Falis ay cunugaas ku heyso dardaarankii Yaasmiin taana cid ma jebin karto xataa Mursal waa uu aqbalay Yaasmiin illaahay naxariis Jano ha siiyee waa ay u sheegtay Mursal inuusan ka qaadi Karin oo xataa Hooyadiis oo rabtay in ay kaxeysato waxa uu ku yiri waa dardaarankii Yaasmiin idinka taa laabta ku haaya.

 

Qadar:

Hooyo Yaasmiin waa dhimatay inaga ayaa nool waxa u wanaagsan wiilkeeda

 

Aabe Warsame:

Xaajiya waxba ha fiirin arrin laga gudbi karo mida kale ogow Falis cid ayaa naga qabto

 

Hooyo Maryan:

Falis cid qabto malaha cunugaasna walaasheed ayaa u dhiibatay weyna heyneysaa

 

Aabe Warsame:

Maxaad ka wadaa kuma fahmin

 

Hooyo Maryan:

Haa Xaaji gabadhaada waa ay kala tageen ninkii intii muda ahba walaasheed ayaa ay la nooleyd

 

Aabe Warsame:

Miyaanan aheyn Xaajiyo in la ii sheego ileyn gabar markii la soo furo masuuliyadeeda waxaa dib u lahaada aabaheed

 

Hooyo Maryan:

Laakiin Xaaji sow ma ogid in adiga iyo wiilkaada aad xumaan ku sagootiseen  aniga Hooyo Ayaan ahaa ma I weydiiseen fikirkeyga Falis qalad ma sameyn oo kaliya ninkii ay jeclaaday ayaa ay raacday ma taas ayaa godob looga dhigay wiilkaada ayaa gurigaan ka xaraantimeeyey sidey ugu soo noqotaa.

 

Aabe Warsame iyo wiilkiisa Qadar waa ay kari waayeen inay ka jawaabaan

balse Hooyo Maryan ayaa sii raacsatay oo tiri

 

Hooyo Maryan:

Arrinta Falis iyo wiilka yar yaan dib dambe loo soo hadal qaadin waa sidey jecleyd Yaasmiin waxna yaanan maalin kasta dardaarankeeda la faragelin.

 

Sidii ayay ku dhaqaajisay Hooyo Maryan Qadar iyo Aabahiis waxaad moodaa in ay af kala taag galeen waxa uuna Aabe warsame is tusiyey in waajibaadkiisa uu gabay mar haddii gabadbhiisa oo la soo furay uu dib u hanan kari waayey.

 

Hadalkii Hooyo Maryan ayaana dhaqan galay oo dib dambe Falis iyo masuuliyada wiilka yaraa ee Yaasmiin ma jirin cid ka hadashay waxa ay Falis ku nooleyd gurigii Yaasmiin oo ay ku heysay wiilkii masuuliyadiisa la saaray waana ay ku qanacsaneyd in dhibtii waayaha soo marsiiyey ay ku ilaawdo waxa ay nafteeda u sheegi jirtay in adduunyada ay wehel kala dhigan doonto wiilkeeda noloshana dib dambe u raadin.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com