Mudo afar bilood ayaa ka soo wareegatay dhimashadii Yaasmiin weli ma aheyn qof la ilaaway cid kasta oo gurigeeda timaada ayaa ku soo xasuusaneysay wiilkeeda oo aad ugu ekaa Falis waxaad moodaa in ay si wanaagsan u buuxisay kaalintii lagala balamay oo waxa ay Maxamed Mursal u noqotay Hooyo buuxda oo aan daqiiqad xataa aan moogaan.

 

Waa xilli maqrib goobtana waa misaajid xaafada ku yaal waxaana salaada ku kulmay Aabe Warsame iyo Mursal oo isaga xaafada soo gaaray maalintaa waxaana dhex martay sheekadaan.

 

Aabe Warsame:

Ii waran Mursalow reerkii ka waran hooyo miyey joogtaa mise waa ay baxday

 

Mursal:

Waa ay baxday ooo iyada ma sii joogi Karin wallow ay dooneysay in ay wiilka kaxeysato waxaan u sheegay in Yaasmiin ay Falis kala dardaarantay daraankeeda aan la dayaceynin waana ay iga aqbashay.

 

Aabe Warsame:

Hadaalkaa waan maqlay ka waran Falis iyo wiilkii yaraa

 

Mursal:

Walaahi waa ay fiican yihiin Falis hooyo wanaagsan weeye iyada iyo wiilkedana waa ay is fahmeyn

 

Aabe Warsame:

Mursalow wiilkayga ma aqaan waxaan ku dhaho wax badan Ayaan is weydiiyey arrinkaan haddii ay ku haboon tahay ama xataa aniga igu haboon tahay mudana waan ku fikiray mana rabo in aan ku jujuubo.

 

Mursal:

Aabe waxba ha cabsan waana ii sheegi kartaa arinta ku dhibeyso aniga wiilkaaga Ayaan ahay reerkaan haddii gabadhiii aan ka qabay ay dhimatay ma filaayo in aan kala dhamaaneyno ileyn xiriirkeena Maxamed Yare ayaa sii xoojinayo.

 

Aabe Warsame:

Aabow xiriirkaas ayaaba rabaa inaan xerigiisa sii adkeeyo ee ma igu raaceysaa waxaan rabaa in Falis aan xigsiino kuu siiyo.

 

Mursal hadalkaas markii uu maqlay ayaa xaada istaagtay qalbigana iskala hadlay oo yiri “AABOW HADDII AAD OGAAN LAHEYD SIDAAN UGU FARXAYO EE MA GABADHAADA I AQBALAEYSO”.

 

Aabe Warsame:

Haye Mursal fikir ayaa gashayee

 

Mursal:

Aabow waa arrin wanaagsan laakiin Falis ma aqbalaysaa

 

Aabe Warsame:

Taa adiga ha ka welwelin aniga ayaa la hadlaayo

 

Mursal:

Maya aabe arrintaan laf ahaaneyda waan ku fikiray laakiin aniga iyo Falis aan ka hadalno horta anaga oo is ogol Ayaan kuu imaaneynaa ma rabo haddii ay diido xataa in la qasbo.

 

Aabe Warsame:

Wiilkayga waad ogtahay in Falis hore nolosheeda u go’aamisay haddana meel xun ayay ku dhamaaday hadalkeenana ma diidi karto waxaana rabaa in qaladkii ay hore nolosheeda ugu qaaday in aan tani ku dareensiiyo markaana aan aniga oo aabaheed ah aan nolosheeda go’aamiyo.

 

Mursal:

Maya Aabe waxaan kaa codsanaa in aniga horta aad igu deyso arrinkaan oo aan la so hadlo Falis xataa haddii ay diido aniga kama xumi mana doonayo in la jajuubo.

 

Aabe Warsame:

Sidaad jeceshahay mar dhow waxaan jeclahay in aan Qadar gabar u doono waan jeclaan lahaa in mar kaliya kulmino meheradiina laakiin sidaad tiri adiga Ayaan kaa war sugayaa.

 

 

Mursal:

Mid Ayaan kaa codsanaa aabe in arrintaan aadan cidna u sheegin ilaa aan aniga aqbaar kuu keeno xataa Hooyo Maryan ka qari.

 

Aabe Warsame:

Haye wiilkayga qeyr badan Ayaan kuu rajeeyey inshah allah maqbuul ayay ahaan doontaa

 

Mursal isaga oo aad u qanacsan ayaa uu xaafadiisa ku soo laabtay waxa uuna gareystay inuu isla caawa kala hadlo Falis haddana waa uu ka baqayey in Falis ay ku diido.

 

Markii uu xaafada tagay ayuu waayey Falis markii uu weydiiyey Aamow ayaa u sheegtay in ay jirto deriska oo manta aroos qabay oo aysan aadin ayay ku maqan tahay qolkiisa hadana waau ahaan weyday oo waxa uu isu sheegay inuu irida isaga ka furo mar hadii ay banaanka ku maqan tahay sidaas arrintiisa ugu sheego.

 

Mursal nin caawa dan lahaa ayaa uu ahaa meel aan hore loogu baran waa fadhiyey balse illinka furo ay sidatay ayay Falis isaga soo furtay xilli uusan xataa shanqarta albaabka maqal oo si maskaxdiisa ugu mashquulsaneyd hadalka uu oran doono Falis iyo sida uu ku kasban karo qalbigeeda ayaa uu fikiraayey, Falis markii ay albaabka soo gashay oo ay aragtay Mursal oo deerka fadhiya ayay la yaabtay iyo waliba sida uu fikirayo waxayna ku tiri.

 

Falis:

Side ahaan caawa meesha aad fadhiso maxaa jira oo halkaan ku fadhiisiyey

 

Mursal oo soo buraarugay ayaa yiri

 

Mursal:

Haa Falis goormee soo gashay yaase kaa furay

 

Falis:

Fure Ayaan waday ee adiga maxaa halkaan ku fadhiisiyey

 

Mursal:

Adiga Ayaan ku sugaayey

 

Falis:

Aniga side maxaa daran

 

Mursal:

Waxba ee si gooni Ayaan rabaa in aan kuula hadlo

 

Falis:

Haye laakiin Maxamed yare Ayaan soo seexinaa ma I sugi kartaa

 

Mursal:

Dhib malaha markii ay diyaar noqoto ii wac qolkeyga Ayaan tagayaa

 

Sidii ayay Falis ku soo dhaaftay Mursal iyada oo la yaaban waxa uu caawa wado oo uu doonayo inuu kala hadlo Falis marnaba ma jirin arrin qalbigeeda ku soo dhacday oo ay is laheyd armuu sidaan doonayaa oo uu rabaa inuu igala hadlo hadana mowduuca waxa uu noqon doono marnaba iskuma dhibin.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com