Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Mahad Salaad oo booqasho ku tegey magaalada Dhuuamareeb ee gobolka Galgaduud.Kulankan ayaa waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay ee uu la yeesho xildhibaan Mahad Salaad madaxda maamulka Galmudug.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Xildhibaan Mahad Salaad ay ka sheekeysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamulada uu khilaafka kala dhexeeyo dowlada Federalka Soomaaliya.

Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug,Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhankiisa u mahadceliyay madaxda Galmudug, wuxuuna sheegay inuu waxyaabo badan kala shaqeyn doono, sida dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka.