Sheekh Muqtaar Roobow oo ku dhowaaqay in uu yahay musharax madaxweynaha Koofurgalbeed

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur  ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow oo saaka gaaray magaalada Baydhabo ayaa  u sheegay dadkii soo dhoweeyay sababta   ka dambeysay kadib markii uu codsi uga yimid dad badan oo ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Dad badan ayaa aaminsan in Muqtaar Roobow uu door wacan ka sameyn karo loolanka doorasho ee ka dhacaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Bartamaha bisha soo socota ayaa magaalada Baydhabo waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo ay ku tartamayaan musharaxiin badan oo uu ka mid yahay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxweyne Sheekh Muqtaar Roobow ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay eek a tirsanaa ururka Alshabaab oo xil Madaxweyne dowlad goboleedka ka qabta dalka Soomaaliya.