Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta la kulmay Safiirka Kenya ee Soomaaliya Amb. Lucas Tumbo, kaasoo dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa ka dhacay Safaaradda Kenya ku leedahay Xalane, waxaana ay ka dambeysay markii Safiirka uu martiqaad u diray Sheekh Shariif.

Waxaa kulanka kula wehliyay Madaxweynihii hore Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Xoghayaha Guud, Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo kan Arrimaha Bulshada.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo quseeya xaaladaha Soomaaliya iyo gobolka ka jira.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la yeelanayay Safiirada Soomaaliya ee fadhigooda yahay Xalane.