Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa kulamo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulamadan ayaa waxaa Sheekh Shariif ku wehliyay xubno ka tirsan Xisbigiisa Himilo Qaran oo u badnaa Xildhibaano ka tirsan labada Gole.

Sheekh Shariif ayaa kulanka hore la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka, sida khilaafka dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah iskula soo arrimaha dhameystirka Dastuurka iyo khilaafka labada Gole, waxaana Madaxweynihii hore Shariif uu balan-qaaday inuu gacan ka geysan doono xalinta khilaafka labada Gole.

Sidoo kale Sheekh Shariif iyo xubnaha Xisbigiisa ayaa caawa u tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, waxaana ay ka wada hadleen dhismaha Xisbiyada Siyaasadda, doorashooyinka 2020/2021 iyo xalinta khilaafka labada Gole.

Mid ka mid ah Xildhibaanada ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in labada Guddoomiye ay aqbaleen in is faham lagu dhameeyo khilaafka ka dhex jira labada Gole, isla markaana loo tanaasulo danta Qaranka, lana wada shaqeeyo, si loo sii wado howlaha hor-yaala iyo dhameystirka sharciyada dalka.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa muddo bilo ah waxaa u dhaxeeyay khilaaf xaga shaqada ah, iyadoo Aqalka Sare uu hakiyay wada shaqeyntii uu la lahaa Golaha Shacabka, iyadoo si gaar ah ugu eedeeyay Guddoonka inuu isku koobay awoodihii sharci dejinta iyo howlihii Baarlamaaniga ah.