Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa dhaawac ka soo gaaray qarax maanta duhurkii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Sheekh Yuusuf oo ah aabaha dhalay Wasiirkii hore ee Qorsheynta C/raxmaan Caynte ayaa la sheegay in dhaawiciisa yahay mid fudud.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga qaraxa dhacayay uu Sheekh Yuusuf marayay wadada, isla markaana uu watay gaari.

Dhaawiciisa ayaa la sheegay inay tahay isha midig, waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer, halkaasoo xaaladiisa lagu baxnaaninayo.

Qaraxa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday maqaayado ku dhow Hotelka Wehliye ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo ruux, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.